3075 Views

Somaliland oo qirtay wada hadalada ay kula jirto Maamulka Khaatumo

Somaliland oo qirtay wada hadalada ay kula jirto Maamulka Khaatumo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 9, 2016: Cusmaan C/llaahi Saxar-diid oo ah Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa xaqiijiyay wada hadalada ay kula jiraan maamulka Khaatumo ee uu hoggaamiyo Dr. Cali Khaliif Galeyr, isagoo caddeeyay in wada hadaladan ay yihiin kuwo bilow ah oo sii socon- doono

Wasiirka, ayaa sheegay in Guddi isugu jira Wasiiro iyo madax dhaqameedyo uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo u magacaabay wada hadalada, waxaana uu tilmaamay in wada hadaladaas ay rajeynayaan inay miro dhal noqdaan.

“Waa wada hadalo rasmi ah oo Somaliland iyo Khaatumo u socda, dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaa wada hadaladaas u saaray Guddi qaran oo Wasiiro iyo Madax dhaqameedyo isugu jira, waana soo dhoweyneynaa go’aanka Cali Khaliif”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Somaliland wada hadaladaas ku bilowday si daacadnimo ah, isagoo intaa ku daray inay ku rajo weyn yihiin in wada hadalada ay si fool ka fool ah uga dhacaan Hargeysa ama deegaanada uu ku sugan yahay Cali Khaliif.

“Waanu ku bogaadineynaa Cali Khaliif isaga iyo saaxibadii inay garteen in dad reer Somaliland yihiin, waligoodna ahaayeen, wada hadalada waa danta qaranka, danta Somaliland iyo Khaatumo ku jirto, waxaa la isugu imaan doonaa Hargeysa ama meel kasta ee la isla garto”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cusmaan Saxar-diid.

Madaxweynaha Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa xaqiijiyay inay socdaan wada hadalo u dhaxeeya maamulkiisa iyo Somaliland, isagoo caddeeyay in wada hadaladan ay yihiin kuwo la xiriira sidii dadka ku nool Sool iyo Sanaag ay nabad ku wada noolaan lahaayeen dantoodana sidaa ku gaari-lahaayeen.

Dhan kastaba ka eeg markii wada hadalada ay soo shaac baxeen waxaa ka soo horjeestay Saraakiisha gacanta ku heysa ammaanka magaalada Buuhoodle, waxaana Taliyaha Booliska degmada Buuhoodle uu 12 saacadood u qabtay inuu uga baxo Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ay ku eedeeyeen inuu Somaliland isu dhiibay ee uu ka heesay Hargeysa.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment