3531 Views

Ma Jirto wax la yiraahdo Khaatumo iyo Maakhir

Ma Jirto wax la yiraahdo Khaatumo iyo Maakhir
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 10, 2016: Annaga oo og in mudooyinkii dambe uu muran ka dhextaagnaa halka lagu soo xulayo xubanaha baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag oo ay maamulkiisa ku muransan yihiin Soomaaliland, Khaatuma iyo Puntland, ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha Puntland Gaas.

C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa waxa uu sheegay in maamulkooda Puntland uusan aqoonsaneyn wax la yiraahdo maamulka Khaatuma oo ka jira Deegaanadaas waqooyi.

Sidoo kale waxa uu sheegay xildhibaanada laga soo xulayo deegaanada Sool iyo Sanaag soo xulitaankooda ay mas’uul ka tahay Puntland kaliya.

Maamulka Khaatuma ayaa horey dowladda federaalka ugu eedeeyay in xaquuqda dadka ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ay duudsiineyso, doonaysana in ay gacanta u geliso Puntland.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment