7170 Views

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo lagu soo dhoweeyay Jigjiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo lagu soo dhoweeyay Jigjiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 11, 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa booqasho ku jooga magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo magaalada Jigjiga, kaasoo ah dhulkii Soomaali galbeed oo ay Itoobiya heysato.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la yeeshay madaxda deegaanka oo ugu horreeyo Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynuhu wuxuu kale ee uu la kulmey Golaha Wasiirada ee Dowlad Degaanka, isagoo khudbad u jeediyay kana waramey muhimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale booqday dhowr mashruuc horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Jigjiga.

Waxaa uu Madaxweynaha intii uu goobahaasi booqanayey warbixino uu ka dhegeysanayay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ah dadka Degaanka Soomaalida Ethiopia.

“Waxaa aad ii soo jiitay mashaariicdan kala duwan ee houmarinta ee aad dalka ka waddaan, waana calaamad muujineysa guulaha aad ka gaarteen hirgelinta nidaamka federaaliga ee Ethiopia ka jira. Farxad ayay u tahay Soomaaliya iyo guud ahaan qof kasta oo Soomaaliyeed inaad noqoteen degaan ay ku daydaan guud ahaan degaannada kale ee Ethiopia ka jira’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 Hailemariam Desalegn Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, ayaa isna khadka telefonka kula soo xiriiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo booqashada taariikhiga ah ee uu ku yimid Jigjiga.

 Madaxweynuha ayaa xalay magaalada Jigjiga kaga qeybgaley xaflad ballaaran oo soo dhoweyn ah oo ay ka soo qeybgaleen madaxda iyo dadweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia oo loo yaqaan Kinka Shanaad.

Khudbad uu halkaasi ka jeediyay Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka mahad celiyay soo dhoweynta qiimaha leh ee isaga iyo wafdigiisa loo fidiyey, wuxuuna xusay in Soomaaliya iyo Ethiopia-da cusub ay iska kaashanayaan dhinacyada sugidda amniga, horumarka , arrimaha bulshada iyo dhinacyo kale oo kala duwan.

xasan-jigjiga

xasan-jigjiga1xasan-jigjiga2

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment