3294 Views

Abaliisha ‘Sendiko Cup Sanadkiisii 2 ayaan Qabaneynaa…

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 11, 2016 – Gudoomiye ku Xigeenka GudigaQaban Qaabada Koobka AUN Aabihii Isboortiga Soomaaliyeed Marxuum ex garsoore Heer Caalami Faarax Wehliye Cadow’ Sendiko’ Axmed Maxamuud Cali l’ Abaliisha’ ayaa sheegay in 2016 la qaban doono Markii 2 Koobka Sendiko Cup kaasoo ay ka qeybgali Doonaan Kooxaha ka dhisan cariga Ingiriiska.

Axmed Abaliisha oo ka mid ahaa Weeraryahanadii Kubada Cagta Soomaaliya soo maray Barisamadkii una soo Ciyaaray Gobolka Banaadir iyo Naadiyada Heerka 1 ee Horseed iyo Gaadiidka aya sheegay in Koobkaan uu ka duwan yahay kii ka horeeyay kana adag yahay marka la fiiriyo Qaabka uu u qabsoomi doono.

‘Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Walaalkeey Maxamed Ismaaciil Cali’ Siteey’ Xidigii Hore ee Xulka Qaranka soomaaliya iyo Naadiga kubabada Cagta ee Horseed oo Sanadkaan noo ah Gudoomiyaha QabanQaabada Tartanka Koobka Sendiko Cup’ ayuu yiri Abaliisha Gudoomiyihii Ugu Horeeyay ee Koobka Sendiko Cup isla makaana ahaa Ninkii Curiyay Bilowga Tartankaan.

Axmed Maxamuud Cali’ Abaliisha’waxa uu ku Tilmaamay AUN Faarax Wehliye Cadow’ Sendiko’ Aabe isboorti oo ka baxay Bahda isboortiga iyo Umadda Soomaaliyeed isagoo xusay mudadii uu Ciyaaraha ku soo dhexjiray Marxuum Sendiko inuu qabtay waxyaabo Xauus mudan Guul iyo Magacna u Horseeday Isboortiga Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyntii waxa uu ugu Baaqay Kooxaha ka qeyb galaya Dhawaan Koobka Sendiko Cup inay muujiyaan Ciyaar wanaag iyo asluub.

.

.

.

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’ UUrdoox’
Uurdoox2016@gmail.com

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment