3072 Views

Booliska Gobolka Barri oo Boosaaso Ku Qabtay Tahriibayaal

Booliska Gobolka Barri oo Boosaaso Ku Qabtay Tahriibayaal
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 13, 2016: Ciidanka booliska gobolka barri ayaa Magaalada Boosaaso ku soo qaqabtay tahriibayaal garaya 160 qof oo isugu jira rag iyo dumar kuwaas oo ka kala yimid gobolada dalka iyagoo doonayay iney ka tahriibaan magaalada Boosaaso xarunta gobolka Barri.

Cabdi xakiin Yuusuf Xuseen,Taliya qeybta Booliska gobolka bari, oo saxaafada kula hadlay sal dhiga dhexe ee magaalada Boosaaso ayaa waxa uu ka war bixiyay sida ay dadkaasi ku soo qabteen iyo waliba waxa ay ka yeeli doonan.

Waxa uu sheegay in : “Tirada aan hada heyno oo shalay aan ka soo qabanay Mareero waa 148 mid kamida ah Tahriibayaasha ayaa waxa uu ku geeriyooda goobta iyadoo ay ku dhacday xabad Intii kale weynu haynaa.”

Waxaa intaa dheer 12 qof oo kontaroolka laga keenay marka dad kaas ley ku daro waxa ay noqonayaan160 ruux Waana labadii maalmood ee ugu dambeyay dadkii aanu soo qabanay

“Waxaanu leenahay dadka tahriibaya haka joogeen tahriibta, waxaan leynahay puntland waxaanu joognaa meeshii ugu dambeysay ee dadka tahriibayaasha ah uga gudban badda,  kontoroolada halagu qabto oo dadkaa hala celiyo meelba meeshey ka dhaw dahay waa ka qarash yartahay” Ayuu yiri taliyaha.

Waxaa intaa raaciyay:” Sidaa darted waxaan ka waani naynaa dadkii ay ka yimaadeen ee ehelka u ahaa iyo dadka Soomaaliyee ee ay soo dhex marayaan iyo reer Puntland-ba  waxaan ka codsaneynaa in la celiyo dadkaas.”

Intaas ka dib qaar ka mid ah tahriibayaasha ayaa la weydiiyay sababta ku ka lifeysa in ay Qatarta tahriibka u bareeraan, waxa ayna sheegeen baa hidooda ugu weyn  ay tahay side ay u heli lahaayeen nolol dhaanta mida ay haatan ku nool yihiin oo ay mid tahay, shaqa la’aan iyo ayaga oo an waxbarasho haysan.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment