6234 Views

Maalinta dhalinyarada Adduunka oo Tartan lagu xusay

Maalinta dhalinyarada Adduunka oo Tartan lagu xusay
____________________________________________________________________________

kolay6

Muqdisho, August 13, 2016: Shalay oo ahayd maalinta Dhalinyarada Adduunka ee ku aadanayd 12-ka Agosto ayaa tartan kubadda Kolayga lagu qabtay Garoonka Kubada Kolayga ee Luujino ee ku yaalla degmada C/casiis.

Tartankan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Dhalinyarada Maanta ayaa waxaa wada ciyaaray kooxaha kubada kolayga ee Heegan iyo Dekeda, waxaana daawashada ciyaartan ka soo qeyb galay dadweyne fara badan, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale

Kooxda Kubada kolayga ee Dekeda ayaa badiyay, waxaana la guddoonsiiyay koobkii loogu tala gala munaasabada.

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ololeeya nabadeynta iyo arrimaha bulshada, lana filayo inuu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha ayaa guddoonsiiyay Koobka Kooxda Dekeda, waxaana uu bogaadiyay sida ay u muujiyeen ciyaar wanaagsan oo lagu farxay.

Jabriil ayaa sidoo kale ku bogaadiyay dhalinyarada soo qaban qaabisay Tartankan, biseylka ka muuqda, waxaana uu xusay in dalkan uu sugayo hoggaan dhalinyaro ah oo horumar ku hogaamin kara, shacbica uu ku qanacsanyahay.

kolaykolay2kolay4kolay5

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment