3078 Views

“Madaxweynaha isagaa xilka sii haynaya illaa doorashada ka dhaceyso”

“Madaxweynaha isagaa xilka sii haynaya illaa doorashada ka dhaceyso”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 15, 2016: Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Madaxweynaha uu xilka sii heynayo inta doorashada laga gaarayo, isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Xisbiyada Siyaasada oo Madaxweynaha ugu baaqay inuu xilka baneeyo marka la gaaro 10-September.

Mr Jeesow ayaa is weydiiyay in hadii aysan wali dalka ka dhicin doorashada cida ay tahay in Madaxweynaha xilka ku wareejiyo, waxaa uu tilmaamay in Madasha wada-tashiga qaran ay isku raaceen in xilka sii hayaan madaxda hada joogta.

“Hadi doorasho ay dhicin yuu xilka ku wareejinaya, hada waa 45 cisho mudada, hadii Guddoomiyaha Baarlamaanka lagu wareejiyay 30 cisho waaye wuxuu xilka heynayo, 15 kalena ee dhiman Madaxweynihii maa soo noqonaa, waxaa la rabaa inaan isla fiirino go’aanka iyo sida madasha isku raaceen”ayuu yiri Dahi Amiin Jeesow.

Waxaa uu sheegay in wax kasta oo mad madow ee jira lagu sixi doono shirka Madasha Wada-tashiga qaran ee dhici doona 7-bisha September.

Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu xilka baneeyo marka la gaaro 10 bisha September, xilligaasoo ay ugu egtahay xilka.

Hase ahaatee doorashada oo waqtigeeda dib uga dhacday ayaa waxay keentay in muddo 50 maalmood xilka sii haayo Madaxweynaha illaa laga gaarayo doorashada xilka Madaxweynaha oo dhici doonta 29 October 2016.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment