3420 Views

Wasiir Hadliye oo ka hadlay dacwada Badda ee Kenya iyo Soomaaliya ka dhaxaysa

Wasiir Hadliye oo ka hadlay dacwada Badda ee Kenya iyo Soomaaliya ka dhaxaysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 15, 2016: C/Salaan Hadliye Cumar, Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya, ayaa Saxaafadda u sheegay inay rajo ka qabaan in lagu gulaysto arintaa dacawada Badda Soomaliya.

Dacwadaan ayaa waxa ay dib u bilaaban doontaa 19-ilaa 20-ka Bisha September, waxaana ay ka dhaceysa Maxkamada ICC halkaasi oo ay taalo dacwada u dhaxeysa Somaliya iyo Kenya ee ku aadan muranka dhanka badda ee muddo soo taagnayd.

Wasiirka, ayaa sheegay in Somaliya ay haysato qareenno fiican oo u doodaya, kuwaasi oo u kala dhashay dalalka Mareykanka, France iyo Britain, waxaana madax u ah Gabar Somaliyed oo Qareen ah, taasi oo hogaanka u haysa Dooda Difaaca Badda Somaliya.

“19-ilaa 20-ka Bisha September ayeey dacwada dib u furmaysaa, Somaliya anaga rajo ayaan ka qabnaa inaan ku guuleysano dacwada hortaala ICG, sababtoo ah waxaan haysanaa Qareeno fiican oo u kala dhashay dalalka France, USA iyo UK, gabar Somali ah ayaana madax u ah oo dacwada dhaqaajinaysa.” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya.

Mudane Hadliye ayaa sheegay inay u taagan yihiin difaaca dhulka iyo Badda Somaliya, sidaasi awgeedna aysan jiri doonin cid isku dayda inay qaadato badda Somaliya.

Kenya ayaa ku doodaysa qaybo ka mid ah badda Somaliya inay leedahay oo ay ka tirsan tahay baddeeda, arintaasi oo ah tan keentay dacwad in loo gudbiyo Maxkamada caalamiga ah ee Hague.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment