2997 Views

Baarlamaanka oo maanta shaqadiisa ugu dambeeyso

Baarlamaanka oo maanta shaqadiisa ugu dambeeyso
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 17, 2016: Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan xarunta golaha shacabka, kaasoo noqonaya kulankii ugu dambeeyay ee Baarlamaankan 9aad oo waqtigiisa dhamaanaya ila laga dooranayo mid cusub.

Shirka maanta ayaa laga soo saari doonaa qaraar ku saabsan dastuurka, kaasoo qorshuhu yahay in loo gudbiyo dastuurka qabyada ah baarlamaanka 10aad eeimaan-doono.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in maanta oo ah 17 bisha Agosto Xildhibaanada Baarlamaanka ay kulan ku yeelanayaan golaha shacabka, isagoo xusay in kulanka warbixin looga dhageysanayo Guddiga dastuurka iyo wixi ay soo qabteen.

“Ajandaha kulanka maanta ajandaha waa warbixin looga dhageysanayo Guddiga dastiirka iyo in Xildhibaanada ay ansixiyaan qaraar ku saabsan dastuurka oo loo gudbin doono baarlamaanka 10aad ee la dhisi doono”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Baarlamaanka hada jira ayaa waqtigiisa ku eg 20-ka Agosto, inkasoo shirkii Madasha wada-tashiga qaran Madaxda dowladda muddo loogu daray oo 50 cisho ah, inta doorashada la gaarayo.

Baarlamaanka hadda jiro, ayaa kulamadiisa ay ahaayeen kuwo gaabis ah, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii May markii Madaxweynaha uu xeer uu soo saaray ku meel mariyay go’aanadii Madasha Wada-tashiga qaran ee bishii April la go’aamiyay.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment