3864 Views

Madaxweynaha oo ka hadlay geerida hogaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda

Madaxweynaha oo ka hadlay geerida hogaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 17, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa wax laga weydiiyay wararka sheegaaya in Amiirka Ururka Al Shabaab, Sheekh Axmed Cumar (Abu Cubeyda) lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe.

Markii ay soo baxeen wararka la xiriira in Ciidamada Kumaandooska Danab oo kaashanaaya kuwa Mareykanka, ay hawlgal qorsheysan toddobaadkii hore ka fuliyeen Gobolka Jubbada Dhexe, ayay Warbaahinta Somalida hadalhaysay in duqayntaasi lagu dilay xubno uu ka mid yahay Hogaamiyaha Al Shabaab.

Madaxweynaha Somaliya oo wareysi gaara siiyay Telefishinka Horn Cable, ayaa sheegay inaanu cadayn karin in weerarkaasi lagu dilay Amiirka Ururka Al Shabaab iyo in kale, balse laga war sugaayo.

Madaxweynaha, ayaa muujiyay inay adag tahay in horey laga ogaado macluumaadka la xiriira qaarajinta Saraakiisha Shabaabka, maadaama sida uu sheegay ay magacyo badan isticmaalaan.

“Abu Cubeyda tusaale haddaan ka soo qaado. Abu Cubeyda magac jiro maaha, toban magacuu leeyahay. Abuu Cubeyda keliya maaha toban kale waa leeyahay. Kii hooyaadii iyo aabihii u bixiyeena waa u dheeryahay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa yiri “Laguma deg deggo go’aanka ah Jaamac waala dilay, waa dhintay ama dagaalkuu ku dhintay, maadaama toban magac iyo toban aqoonsi ay leeyihiin.”

Madaxweynaha, ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan geerida Abu Cubeyda, isla-markaana ay dib ka soo sheegi doonaan, wixii amuurtaasi ka soo kordha.

“Arrimahaasi weli baarisaa ku socoto, xaqiiqada kama dambeysta ahna waala soo cayimi doonnaa, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment