3102 Views

Howl gallo laga sameeyay Gaalkacyo oo dad lagu soo qabtay

Howl gallo laga sameeyay Gaalkacyo oo dad lagu soo qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 18, 2016: Warar an ka helnay magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in howl gallo dad badan lagu qab qabtay laga sameeyay waqooyiga Magaalada, qeybta ka taliso Puntland.

Sida la sheegay howl galkan ayaa lagu soo qabtay 120 ruux oo dhalinyaro u badan, kuwaasoo looga shakiyay inay falal amni daro qeyb ka ahaayeen, balse waxaa la sii daayay markii lagu sameeyay baaritaano.

C/qaadir Faarax Shire taliye kuxigeenka qeybta Booliska Gobolka Mudug, ayaa sheegay in howl galada ujeedkooda ahaa adkeynta amniga, isagoo ugu baaqay waalidiinta inay la socdaan dhaq dhaqaaqyada ubadkooda.

Taliye ku xigeenka,waxaa uu sheegay in howl galadan ay sii socon doonaan, isla markaana ay jiraan kooxo doonaya inay nabadgelyada wax u dhimaan, kuwaasoo uu xusay inay gacanta ku dhigayaan dhawaan.

Bilihi u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ka socday howl gallo ay iska kaashanayeen Ciidamada Kumaandooska ee Danab iyo ciidamada ammaanka Puntland, waxaana dhowaan gacanta lagu soo dhigay nin u dhashay dalka Suudaan oo farsameeya qaraxyada iyo rag kale oo la shaqeyanayay oo Soomaali ah.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment