4842 Views

Jen. Maxamed Cali Samatar oo ku geeriyooday Mareykanka

Jen. Maxamed Cali Samatar oo ku geeriyooday Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 20, 2016: Jen. Maxamed Cali Samatar  ayaa saacado ka hor ku geeriyooday dalka Maraykanka. Allah u naxariistee Jen. Samatar ayaa horay u soo noqday Madaxweyne kuxigeenka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirkii Gaashaandhiga ee Dowladii Kacaanka.

Jen. Samatar ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Washington ee Gobolka Virginia, halkaasoo uu muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayay

Allaha u naxariistee Jen. Maxamed Cali Samatar ayaa ka mid ahaa shantii Golaha sare ee kacaankii dowladdii Milateriga, sidoo kale waxaa uu ahaa ninka ugu darajada sareeyay ee Ciidanka qalabka sida Soomaaliya, xilligii dowladdii dhexe.

Maxamed Cali Samatar ayaa jiray 85 sano, waxaa uu dhashay sanadkii 1931, waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb qaadatay dhismaha ciidamadii milateriga Soomaaliya.

Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa noqday mas’uulkii ugu sarreeyay ee dawladdii kacaanka oo dacwad ka dhan ah la horkeeno maxkamad shisheeye.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa sanaddii 2010-kii go’aamisay in dacwad lagu soo oogi karo jenaraal Samatar. Waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo in uu siddeetamaadkii ka geystay Soomaaliya, gaar ahaanna gobolladii woqooyi oo la sheegay inay ka dagaallameen ciidanka dowladdu. Wuxuu beeniyey eedaymahaasi oo uu ku sheegay kuwa siyaasadaysan.

Halkaan hoose ka dhageeyso tariikh nololeeydi Janaraal Samater

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment