3195 Views

Badeecado dhacay oo dekadda Muqdisho lagu qabtay

Badeecado dhacay oo dekadda Muqdisho lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 21, 2016: Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay badeecado dhacay oo u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, taasoo la doonayay in lagu iibiyo suuqyada Muqdisho, ayadoo an dadku ogayn.

Nin sarkaal ah kana tirsan Ciidanka Dekedda Muqdisho,ayaa SONNA u sheegay inay badeecadan oo isugu jirtay Buskut,Nacnac,iyo Dawooyin waqtigii isticmaalka dhaafay, ay xabsiga u taxaabeen raggii badeecadaas watay.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo wershedaha dowladda federaalka Soomaaliya, Eng;C/rashiid Maxamed Axmed oo halkaasi saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in ganacsatada qaar ay mar mar dalka soo geliyaan badeecoyin dhacday,wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay fal dambiyeed laga galay bulshada.

Eng. C/rashiid Maxamed Axmed,ayaa ku boorriyay ganacsatada qaar inay sharuucda dalka ilaaliyaan, dowladdana kala shaqeeyaan koontaroolka badeecadaha ay dalka soo gelinayaan, isagoo ganacsatada qaar ku ammaanay iney u hogaansanyihiin shuruucda dowladda ayana keenaan badeecaddo tayo u leh dadka iibsanayo.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in ay gacan nagu siiyaan in aan isla ilaalino tayada badeecadaha dalka soo galaya  iyo kuwa ka dhoofaya taana waxaa fure u ah in aanu wada xoojinno hay’adda qaabbilsan koontaroolka tayada badeecooyinka ee BGM”ayuu yiri wasiirka .

Dr; Axmed Cali Daahir, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, ayaa amray in la ciqaabo dadka ku howlan ka ganacsiga badeecooyinka dhacay,kuwaasoo ay ku jiraan ragga maanta soo dejiyay badeecadaha dhacday.

“Hay’adaha sharciga waxan farayaa cid kasta oo ku lug yeelata faldambiyeedyada noocan ah, kii soo dejiyay iyo intii kala qayb qaadatay dhamaantood waa dambiilayaal  waana in sharciga la horkeenaa “ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir.

Dek3Dek4Dek6

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment