5184 Views

Faah faahin ka soo baxaya qaraxyadii Gaalkacyo

Faah faahin ka soo baxaya qaraxyadii Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 21, 2016: Dad ka badan10 ruux ayaa ku geeriyooday qaraxyo xooggan oo maanta ruxay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo qaraxyada ay ahaayeen kuwo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Labada qarax kan hore ayaa ka dhacay nawaaxiga xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo, halkaasoo ay xafiisyo ku leeyihiin Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo, qaraxaas ayaa waxaa xigay rasaas u muuqatay mid iska hor imaad ah oo mesha la isku dhaafsanayay.

Qaraxa labaad ayaa ahaa kan ugu khasaaraha badnaa, waxaana la sheegayaa inuu loo adeegsaday gaari wayn oo kuwa xamuul ahaa oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Warar an helnay laamaha ammaanka Puntland, ayaa sheegaya in mid ka mid ah qaraxyada ay fulisay haweeney waday mid ka mid ah gawaarida qaraxyada geystay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa hore marka uu dhacay ay dad badan soo buuxiyeen goobta oo ay dadkii dhaawacmay u soo gurmadeen, iyadoo daqiiqado kadib uu dhacay qarax labaad oo ahaa mid aad u xoogan oo qasaaraha badan gaystay.

Dhaawacyada ayaa la sheegayaa inuu ka badan yahay 30-ruux, kuwaasoo la geeyay goobaha caafimaadka, waxaa adag in la helo warar rasmi ah oo ku aadan inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha naf iyo maalba.

Taliyihii Ilaalada deegaanka iyo askar kale ayaa la xaqiijiyay inay qaraxa ku dhinteen, iyadoo sidoo kale dhibaatada ay soo gaartay dad rayid ah oo goobo ganacsi ku lahaa Suuqa Dayax oo dhowaan la hirgeliyay. Qaraxyada ayaa waxaa uu saameeyay goobo ganacsi iyo dhismayaal kala duwan oo ay ka fiiqmeen saqafyadii iyo lamiyeeriga.

Dadka ku nool Gaalkacyo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan oo magaalada dhan uu gil gilay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxa Gaalkacyo, Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa goor dhow baahisay sheegashada mas’uuliyada qaraxyadii Gaalkacyo, ayna ku dileen askar ka tirsan Puntland sida Idaacadu sheegtay.

Magaalada Gaalkacyo qeybteeda waqooyi ayaa ah mid gebi ahaanba xiran, waxaa istaagay ganacsigii, iskuuladii waa la xiray, ciidamada ammaanka ayaa goobta qaraxyada ka dhaceen ku sugan, waxaana xaalku yahay mid kacsan.

Qaraxyadan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya, iyadoo todobaadkii hore howl galo ay iska kaashadeen Ciidamada Milateriga Kumaandooska ee Danab iyo kuwa Puntland lagu qabtay saddex ruux oo mid ka mid ah uu u dhashay dalka Sudan, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

qaraxa-galkacyoqarax-galkacyo2qarax-galkacyo1qarax-galkacyo

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment