3345 Views

Madaafiic ku dhacday Xarunta Wasaaradda Gaadiidka

Madaafiic ku dhacday Xarunta Wasaaradda Gaadiidka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 21, 2016: Ila afar madaafiic oo hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay xarunta Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka oo ku taal degmada Shingaani, iyadoo madaafiicdan ay sababeen khasaare kala duwan oo an weli la ogayn. Madaaficdaan ayaa la sheegay in gudaha wasaarada ku dhaceen, taas oo an fogayn Xarunta Bankiga Dhaxe.

War u dhacaal ah ayaa sheegayaa in sadax ruux ay ku dhaawacmeen oo an la ogayn dhibkooda inta uu la egyahay.

Waxaa kale oo an helnay goobjooga-yaal ayaa la sheegay in laba baauur oo garaash ku jirtay dab qabsaday.

Gawaarida dab damiska ayaa ku guuleystay daminta dabka ka kacay qeybta garaashka ee xarunta wasaaradda, kaasoo ka dhashay madaafiicdii ku dhacday.

Dad ku sugan degmada Shingaani ayaa sheegaya in madaafiicda ay soo dhaceen abaarihii 2-dii duhurnimo, waxaana markii hore jirtay shaki ah in qarax uu yahay waxa dhacay.

Lama oga halka laga soo gamay madaafiicdan, iyo halka loola dan lahaa, iyadoo madaafiicdan ay dhacayaan xilli maalmahan magaalada Muqdisho uu howl gallo ka jiray.

Wixi war ah ee nagu soo kordh, halkaan ka aqrista.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment