3576 Views

Qaraxyo xooggan oo goor dhow gil gilay magaalada Gaalkacyo

Qaraxyo xooggan oo goor dhow gil gilay magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 21, 2016: Labo Qarax oo waa weyn ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Gaalkacyo qeybteeda waqooyi ee Maamulka Puntland.

Qaraxyada oo ahaa kuwo gil gilay magaalada Gaalkacyo oo idil ayaa waxaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada lala beegsaday xarunta dowladda Hoose oo ay degan yihiin Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

Sidoo kale xarunta dowladda Hoose ayaa waxaa ka ag dhow suuqa dayaxa oo ah suuq aad u camiran oo dadka ku badan yihiin.

Illaa iyo hada ma cada tirada rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac ee ay geysteen qaraxyadan, balse waxaa la sheegayaa in khasaaruhu uu yahay mid xooggan.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment