3336 Views

“Cid sharciga kaligeed meel ugu xiran yahay ma jirto, Kaararka aqoonsiga waa sharci”

“Cid sharciga kaligeed meel ugu xiran yahay ma jirto, Kaararka aqoonsiga waa sharci”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 22, 2016: Yuusuf Xuseen Jimcaale, guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, kaasoo ahaa inuu sharci darro yahay kaararka aqoonsiga oo uu bixiyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay in kaararka aqoonsiga aanu wax sharci darro aheyn, isla markaana uu ka mid yahay dowladnimada, isagoo xusay in aanay jirin cid sharciga kaligeed meel ugu xiran.

“Kaararka aqoonsiga ee Teesaro Munishiibo dowladnimada ayuu ka mid yahay wax sharci darro ma ahan, cid sharciga meel ugu xiran yahay kaligeed ma jirto, sharciga waa wax la wada yaqaano”ayuu si kulul u yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la hadlayay Raadiyaha Kulmiye.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in barnaamijka kaararka aqoonsiga uu yahay shaqo u taal dowladda Hoose, kaasoo uu tilmaamay in baahi weyn loo qabo sida uu yiri.

Hanti dhowaraha Guud ee Qaranka, Nuur Faarax Jimcaale, ayaa sharci darro ku tilmaamay kaararka aqoonsiga, isagoo xusay dadka Soomaaliyeed aanay wada awoodin inay bixiyaan lacagta, waxaana uu sheegay in horay amar uga soo saaray in la joojiyo xilligii uu Tarsan Guddoomiyaha ahaa.

Si kastaba ha ahaatee horaantii bishan ayay aheyd markii Taliska Nabadsugida uu amar ku bixiyay in la qaato kaararka aqoonsiga, kaasoo ay ku xireen inay tahay arrimo amni iyo in cid aan heysan kaararkaas aanay heli doonin adeegyada bulshada ee aas aasiga ah, wana sababta loo qaadanayo kaarka aqooonsiga.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment