3117 Views

John Kerry oo la kulmayo wasiirada arimaha dibadda bariga Afrika

John Kerry oo la kulmayo wasiirada arimaha dibadda bariga Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 22, 2016: Xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry, ayaa maanta 8 kamid ah wasiirada dalalka Afrika, kula kulmi doonaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayagoo ka wadahadli doono sidii loo xakameyn lahaa dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suudaanta koofureed iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kerry, ayaa sidoo kale la kulmi doonaa madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ka hor inta uusan ka qeybgalin shirka wasiirada arimaha dibadda dalalka Kenya, Uganda, Suudaanta koofureed , Suudaan, Djibouti, Tanzania, Soomaaliya iyo Ethiopia.
“Waxaa ka wadahadli doonaa sida aan horey ugu dhaqaajin laheyn isku dayga hirgelinta heshiis nabadeed wadanka Suudaanta koofureed,”  sidaa waxaa sheegay sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arimaha dibadda.

“Dadka Suudaanta koofureed muddo dheer ayay dhibaatoonayeen, sii socoshada xasilooni la’aanta ayaa keentay in ay malaayiin kamid ah dadkaas ay guriyahooda ka qaxaan isla markaana xaaladda bani’aadanimo noqoto mid faraha ka baxda,”

John Kerry, ayaa madaxweynaha dalka Kenya Uhuru  Kenyatta waxaa arimaha uu kala hadli doono kamid ah xaalada siyaasadeed iyo tan amni ee Soomaaliya maadaama dowladda Kenya ay kamid tahay dalalka ciidamada ka howlgalaan Soomaaliya.

Kerry, madaxda Kenya ku boorin doona in ay ka laabtaan go’aankii ahaa in ay albaabada u laabi doonaan xeryaha Dhadhaab oo ay ku jiraan dad Soomaaliyeed uu muddo ka badan 20 sano halkaasi ku noolaa.

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Mareykanka waxaa uu kadib booqashadiisa dalka Kenya u gudbi doonaa dalka Nigeria isagoo tagi doona magaalada Sokoto, oo ah magaalo taariikhi ah oo ay degaan muslimiinta dalka Nigeria, waxaana uu magaalada Abuja kula kulmi doona madaxweynaha dalkaas Muhammadu Buhari.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment