4515 Views

Odayaasha dhaqanka ee 135 Oday oo la qorsheynayo in ay Xildhibaanada soo xulaan

Odayaasha dhaqanka ee 135 Oday oo la qorsheynayo in ay Xildhibaanada soo xulaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 22, 2016: Guddiga doorashooyinka ayaa wada qorsho lagu doonayaan sidii meesha looga saari lahaa 51-ka xubnood ee soo dooranaya Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo ku sababeynaya dhowr arrimood oo qeyb ka tahay amniga, dhaqaalaha iyo waqtiga oo aad u yar.

Kulamo xiriir ah oo Guddiga doorashooyinka ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlayay qaabka hirgelinta doorashooyinka soo socda iyo caqabadaha ka hor imaan kara, iyadoo la isla eegay sida ay suurta galka u tahay in doorashada waqtigeeda dhacdo.

Guddiga doorashooyinka ayaa lagu wadaa in shirka soo socda ee Madasha Wada-tashiga Qaran ay hor-geeyaan qorshe ku aadan in laga kaaftoomo ergada soo xuleysa Xildhibaanada ee 51 xubnood, waxaana taa bedelkeed ay doonayaan in loo madax banaaneeyo odayaashii 135 oday ee soo xulay Baarlamaankii 2012-kii.

Qorshahan oo ah mid ugub ah ayaa waxay jahwareer kale ku keeni kartaa hanaanka doorashooyinka oo dib u dhacyo badan ay hareeyeen, waxaana ka digaya qaar ka mid ah xubnaha axsaabta siyaasada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxda dowladda ay qorshahan wax ka wadaan, iyagoo ka arka danahooda, maadaama hadii 51 xubnood soo xulaan Xildhibaanada ay suura gal tahay inay meesha ka baxaan xubnaha ay wataan.

Qorshaha hada la wado ayaa ah mid u fududeyn karta Odayaasha inay dhaqse ku soo magacaabaan Xildhibaanka ay madaxda rabaan, maadaama la rumeysan yahay in inta badan Odayaasha dhaqanka ee liiska 135 oday ku jiray inay u janjeeraan dhinaca Madaxda dowladda oo an shabka ku kalsoonayn.

Dad badan ayaa aaminsan in soo xulistii Baarlamaankii 2012 oo musuq maasuq badan uu hareeyay uu ka duwanaan doono doorashada Xildhibaanada ee sanadkan 2016, maadaama xarumaha maamul goboleedyada ay ka dhaceyso doorashooyinka, isla markaana 51 xubnood oo ka socda beel walba ay soo dooranayaan xildhibaan, bedelkii oday dhaqameed uu soo qori lahaa.

Weli lama garanayo sida qorshahan cusub ay u aqbali doonaan Madaxda dowlad goboleedyada oo ay yar tahay awooda ay ku yeelanayaan soo xulida Xildhibaanada labada aqal, hadii odayaasha dhaqanka ee 135-ta oday loo madax banaaneeyo inay kaligood soo xulaan Xildhibaanada soo socda.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment