3690 Views

Mid ka mid ah haweenka u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada oo is sharaxday

Mid ka mid ah haweenka u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada oo is sharaxday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 23, 2016: Madiina Caamir Maxamed oo ka mid ah Haweenka u dhaq dhaqaaqa bulshada rayidka ayaa magaalada Nairobi kaga dhawaaqday inay tahay musharax u taagan kursiga Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Federaalka ah ee doorashada soo socoda.

Munaasabad aad u qurux badan oo shalay ka dhacday Hotelka Grand Royal ee magaalada Nairobi oo ay ka soo qeyb galeen waxgarad, dhalinyaro, haween, aqoonyahano iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan ayay ku taageereen musharaxnimada Madiina Caamir.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay munaasabada ayaa waxaa qireen in Madiina Caamir ay tahay qof waayo arag ah, xilal kala duwan horay uga soo qabatay dowladihii hore, kuna haboon in ay ka muuqato Barlamaanka Qaranka.

Xabiiba Maxamed Cubeyd oo ka mid aheyd haweenkii ka hadlay munaasabada ayaa sheegtay inay taageersan tahay musharaxnimada Madiina Caamir, garabna ku siinayso.

Waxaa kaloo munaasabada ka hadlay Mahdi Xuseen, Shukri Maxamed Afrax, Aweys Xaaji, Macalin Ciise iyo Dr. Cadaay, kuwaasoo dhamaantood qiray howl karnimada iyo waayo aragnimada Madiina Caamir, ayago muujiyay kartida ay leedahay.

Waxaa ay aad ugu ammaaneen in arimaha qoditaanka ceelasha, biyaha iyo u gargaarida dadka tabaaleysan ay Marwo Madiina Caamir Maxamed ay aad uga qeybqaadatay ayadoo hawlaha masaajida aad ugu qumtay si dhiiranaan leh oo habboona xil isaga saartay miyi iyo magaalaba.

Madiina ayaa xilal ka soo qabatay banggiyo kala duwan oo Soomaaliya ka jiray ka hor bur burkii dowladdii dhexe iyo Laanta Waaxda Duulimaadka, iyadoo soo noqotay Agaasimaha Waaxda Duulimaadka.

Waxy horay uga soo shaqeysay arrimaha bani’aadanimada iyo gargaarka kadib bur burkii dowladdii dhexe ee 1991.

Madiina Caamir oo ka hadashay munaasabada ayaa sheegtay in hadii loo doorto Xildhibaan ay u shaqeyn doonto dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ayna ugu adeegi doonto si daacadnimo oo danta iyo diinta ku jirto.

Sidoo kale waxa ay ka codsatay Umadda Soomaaliyeed inay ku taageeraan musharaxnimadoo, waxaana ay sheegtay inay u ololeyn doonto hadii ay ku guuleysato arrimaha bulshada, sida kaabayaasha dhaqaalaha, sida korontada, caafimaadka, biyaha iyo jidadka

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment