2835 Views

“Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe dhowaan ayaa la dhisayaa”

“Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe dhowaan ayaa la dhisayaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 24, 2016: Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo hoggaaminayay wafdi ka kooban Xildhibaano oo shalay gaaray magaalada Jowhar ayaa sheegay in dhowaan la dhisi doono Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ku ammaanay dadka reer Shabeellaha Dhexe dulqaadka ay muujiyeen.

Cosoble ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii dadka deegaanada maamul ay raalli ka yihiin loo sameyn lahaa, isagoo xusay in waxyaabaha qaar ee jira la xalin doono si dhaqsa ah.

“Maamul ayaa loo sameynayaa labada gobol, muddo illaa sideed bil ayaa sugeyseen, walina waa la sugayaa, dareen wanaagsan iyo soo dhoweyn ayaa muujiseen, labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waa is heystaan, waxyaabaha aad tilmaamteena waa ka fujineynaa”ayuu yiri C/qaadir Cosoble.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in maamul hadii la dhisayo aanay deg deg iyo boobsiis wanaagsaneyn, si aanay dhibaato uga imaan, isagoo xusay in wixii daaho uu kheyr ku jiro sida uu hadalka u dhigay.

C/qaadir Cosoble ayaa sheegay in dadka reer Shabeellaha Dhexe looga baahan yahay inay qeyla dhaan ka muujiyaan xaqii Gobolka Banaadir ee aqalka sare oo maqan, isagoo xusay in aanay sax aheyn in Gobolka Banaadir ay ka maqnaato xubinimadiisa Aqalka sare.

“Aqalka sare oo la yiri waa la dhisaa, qaabka lagu wado mid dastuurka raacsan ma ahan, waa mid berri dhalin doono dhibaato iyo colaad, maxaa yeelay xuquuqdii Gobolka Banaadir ayaa maqan, dadka ka badan labo milyan oo ruux ayaa xuquuqdooda la inkiray, wax soconayana ma ahan”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble oo intaa ku daray in aanay aqbali doonin qaabka la rabo in loo dhiso Aqalka sare.

Waxaa uu intaas ku daray in dastuurka ay ku qoran tahay in Aqalka sare uu ka koobnaado 54 xubin, balse hada wixii la rabana lagu darayo sida la doonana laga yeelanayo sida uu yiri.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa la sheegaa inuu ka mid yahay xubnaha la hadal haayo ee u sharaxan xilka Madaxweynaha Maamulka dhismi doona Hiiraan iyo Sh/Dhexe, inkastoo aanu wali ku dhawaaqin

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo muddo sideed bilood hakad ku jiray ayaa la filayaa in dhowaan dib loo bilaabo shirkii maamul u sameynta labada gobol ee gogoshiisa ay taalay magaalada Jowhar.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment