3564 Views

Madaxweynaha oo arrimaha horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya kala hadley madaxa UNDP

Madaxweynaha oo arrimaha horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya kala hadley madaxa UNDP
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 24, 2016 (Villa Somalia) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxa Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Helen Clark, oo booqasho ku joogta dalka.

Madaxweynaha iyo madaxa UNDP waxay ka wadahadleen barnaamijyada horumarinta ee dalka ka socda ee qeybta ka ah mashaariicda dib u soo kabashada Soomaaliya, arrimaha dhalinyarada, shaqo abuurka iyo sameynta xarumo dhalinyarada ay ka bartaan xirfadaha kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, muhimadda kowaad ay siineyso baahinta adeegyada aasaasiga ee bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha , horumarinta xirfadaha dhalinyarada iyo nabadgelyada, loona baahan yahay in laga taageero .
“Waxyaabaha muhiimadda inoo leh waxaa ka mid ah inaan dhalinyarada siino fursado ay ku bartaan xirfado ay ku shaqeystaan, dhaqaalena ay ku sameysan karaan. Dagaalka aan kula jirno argagixisada Al Shabaab oo maraya marxalad gebagabo ah, ayaa waxaa lagama maarmaan ah inay barbar socdaan barnaamijyada dhaqan celinta, baahinta adeegyada aasaasiga ee dadku u baahan yihiin iyo in la jiheeyo dhalinyarada’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo wafdiga ay ka wadahadleen arrimaha qabanqaabada doorashooyinka, qoondada haweenka ay ku leeyihiin goleyaasha qaranka iyo in la sii wado taageerada barnaamijyada horumarinta ee Soomaaliya.

Helen Clark, Madaxa UNDP ayaa Madaxweynaha iyo dowladda ku ammaanay horumarka muuqda ee laga sameeyay dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment