2880 Views

Soomaaliya oo u diyaar garowday marti gelinta shir madaxeedka IGAD

Soomaaliya oo u diyaar garowday marti gelinta shir madaxeedka IGAD
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 24, 2016: Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay u diyaar garowday marti gelinta shir madaxeedka IGAD oo horaanta bisha September ka dhici doona magaalada Muqdisho.

C/salaan Cumar Hadliye, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in diyaar garow xooggan ay u galeen marti gelinta shir madaxeedka IGAD, isagoo xusay in meel ka mid ah magaalada Muqdisho lagu qaban doono, balse uusan carabka ku dhufan.

“Waa u diyaar garownay marti gelinta shir madaxeedka IGAD, qaban qaabo ayaa ku jirnaa, in Muqdisho ay yimaadaan Madaxda IGAD oo lagu qabto shir madaxeed, si aan Caalamka u tusno in Muqdisho ay tahay meel la tagi karo”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in meel fiican ay marayaan qorshaha lagu sugayo ammaanka Muqdisho, si weyn ay dowladda isaga xil saartay sida uu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan sheegay in 5-ta bisha September uu Muqdisho ka dhici doono shir madaxeedka IGAD, isagoo Jimcihii la kulmay wafdi ka socday IGAD oo uu kala hadlay qaban qaabada shir madaxeedka.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa isu diyaarineysa doorashooyin bisha October ee soo socota, iyadoo go’aanada ka soo bixi doona shir madaxeedka IGAD la filayo inay qeyb ka noqdaan doorashooyinka iyo marxalada kala guurka ah ee Soomaaliya galeyso kadib 10-ka September, xilligaasoo uu ku eg yahay waqtiga Madaxweynaha hada jooga .

Sanadkii hore 2015 ayay aheyd markii magaalada Muqdisho lagu qabtay shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD, si nabad ahna uu ku dhamaaday.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment