3138 Views

Weerar xalay lagu qaaday Guriga ay deganaayeen Xildhibaano

Weerar xalay lagu qaaday Guriga ay deganaayeen Xildhibaano
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 24, 2016: Warar dheeraad ah iyo fahfaahin ayaa ka soo baxaya weerar bambaano oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay fiidkii lagu qaaday Guri ku yaal degmada Xamar weyne oo ay deganaayeen Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Guriga ayaa waxaa degenaa Maxamed Cali Xagaa Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga iyo dhowr Xildhibaano ah, waxaana lagu weeraray labo bam gacmeed oo lagu tuuray xalay.

G/Dhexe C/qaadir Axmed Shire,taliyaha Saldhiga Booliska degmada Xamar weyne ayaa sheegay in hal qof oo rayid ah uu ku dhintay bam gacmeedka, halka saddex kale oo aheyd ilaalada Wasiirka ay ku dhaawacmeen, balse an weli tiro sax ah an la haynin.

Taliyaha waxa uu sheegay in illaa afar ruux oo looga shakisan yahay inay bam gacmeedka tuureen ay gacanta ku soo dhigeen, isla markaana ay wadaan baaritaan si loo ogaado warka runtiisa.

“Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, saddex askar waa ku dhaawacmeen, howl gal baa socda, waxaa guriga bambaanada looga tuuray meel luuq oo mugdi ah, baaris ayaa socota, afar qof oo meesha ka ag dhowaa ayaa loo hayaa”ayuu yiri Taliyaha Booliska Xamar weyne.

Weerarka bambaano kadib ayaa la maqlayay rasaas ay ku jawaabeen Ilaalada Guriga ku sugnaa, lama oga in guriga ay joogeen iyo in kale Wasiiru dowlaha iyo Xildhibaanada labadaba.

 ———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment