6141 Views

Maamulka Bankiga Dhexe oo sheegay in lacag laga xaday Bankiga

Maamulka Bankiga Dhexe oo sheegay in lacag laga xaday Bankiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 25, 2016: Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Dr. Bashiir Ciise Cali, ayaa xaqiijiyay in Bankiga laga xaday lacag dhan Shan boqol iyo Soddon Kun oo Doollarka Maraykanka ah, $ 530,000.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray inuu falkaasi ka dambeeyay mid ka mida Qasnajiyada Bankiga oo lagu magcaabo Muxiyadiin Maxamed Xasan (Muxiyadiin Santooni) kaasoo muddo Bil ah soo dhigayay Lacago Been abuur ah,dabeetana kala baxayay midda rasmiga ah ee halkaasi taalla,wuxuuna intaa raaciyay inuu shaqsigan baxsaday laguna raadjooga,

Guddoomiyaha oo saxaafadda kula hadlayay xafiiskiisa magaalada Muqdisho, ayaa intaa raaciyay inay haatan socdaan baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambaysay, sharcigana lala tiigsan doono ciddii lagu helo ku lug lahaanshaha arrintaasi,wuxuuna sheegay iney haatan xaaladda Bankigu tahay caadi hawshuna ay si wanaagsan u socoto.

“Wax isdaba marsiin ayaa la sammeeyay, lacagtii Khasnadda ku jirta ayaa si burcadnimo ah loogu badalay lacag doollar been abuur ah, markiiba baaris ayaan galinay waxaana arrinta ku wargalina laamaha Ammaanka sida Waaxda Dembi Baarista CID, iyo Hay’adda nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA, oo shaqalaha wareysiyo la sameyay, intii baarista socotayna waxaa baxsaday Qasnajigi Bankiga”ayuu Yuru Muden Bashiir.

Bashiir Ciise Cali, guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka ayaa waxaa uu shacabka Soomaliyeed guud ahaan gaar ahaan laamaha amniga uu ka codsaday in ay gacan ka geystaan sidii loo soo qaban lahaa ninkaas burcadka ah.

Madaxda sare ee dalka Soomaaliya ayaa dhawaan masuuliyiinta Qaranka waxay kaga digeen in xilligan kala guurka ah lagu takri falo Hantida Qaranka iyo awoodaha dowladnimo si qaldanna aan loo isticmaalin.

SONNA/News

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment