4506 Views

Meydka Jen. Maxamed Cali Samatar oo la soo gaarsiiyay Muqdisho lana aasay

Meydka Jen. Maxamed Cali Samatar oo la soo gaarsiiyay Muqdisho lana aasay
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, August 25, 2016: Waxaa mar dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay Meydka Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar, iyadoo naxashka lagu siday meydkiisa la huwiyay Calanka Soomaaliya.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa salaan sharaf siiyay Meydka, iyadoo la garaacay astaanta qaranka.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku sugnaa Madaxda dowladda, Wasiiro, saraakiil ciidan  mas’uuliyiin kale iyo dad kale oo ka mid ah shacabka soomaaliyeed.

Waxaa lagu wadaa in lagu aaso Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana saaka ka qeyb galaya Madaxda uu sareysa dowladda Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa dhowaan ku geeriyooday Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaa uu soo qabtay xilal kala duwan dowladdii Milateriga aheyd. Intaa waxaa dheer in uu ahaa qofka ugu daraja sareeya madaxdi ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Aaska Janaraalka, waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh Cismaan Jawaari, R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Qaar kamid ah madaxweyneyaasha dowlad gobaleedyada ka dhisan dalka, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil ciidan iyo dadweyne Soomaaliyeed.

14034874_655810191250175_8778231058721206181_n14067627_655810531250141_4386278487359429066_n14100434_655810387916822_5464500207863851626_n14100512_655809914583536_5246154162079438217_n14141699_655810454583482_8688752934719882553_nmeydka (1)

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment