2982 Views

Nin ganacsade ahaa oo lagu diley Nairobi

Nin ganacsade ahaa oo lagu diley Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 25, 2016: Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa xalay nin ganacsade ah ku dileen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo la sheegay in kooxdii dilka geysatay  ay sidoo kale tiro aan la cayamin oo lacag ah ka qaateen ninka la dilay.

Ninka la dilay ayaa lagu magaabi jirey Mustafa Sheekh, oo  35 sano jir ah, kaas oo ku sugnaa xarunta shirkad lagu magacaabo  Kenzi Enterprise Ltd, oo ku dhow masjidka  Dar Es Salam , markaas oo ay weerar ku soo qaadeen shan nin oo midkood ku hubeysanaa bastoolad.

Waxaa jirey muran dhex maray burcadda iyo ninka ganacsadaha ahaa ee dhintay iyadoo markii dambe ay rasaas ku fureen taas oo ka haleeshay garabka midig waxaana loo qaaday isbitaal halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday.

Saraakiisha  saldhiga booliiska ee Shauri Moyo, ayaa goobta ka soo qaaday alaab xiran oo la aaminsan yahay in uu lahaa ninka geeriyooday, kuwaas oo hadda baaritaan uu ku socdo.

Bishii la soo dhaafay, hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa labo kamid ah ilaaladiisa lagu dhaawacay xaafadda Islii, iyadoo sidoo kale nin kamid ah booliiska xaafadaas oo lagu magacaabo C/casiis Maxamed laga xaday bastooladiisa taas oo ilaa iyo hadda aan la helin meel la geeay.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment