5613 Views

Tarsan oo maanta ku dhawaaqaya in uu yahay Musharax Madaxweyne

Tarsan oo maanta ku dhawaaqaya in uu yahay Musharax Madaxweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 25, 2016: Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa maanta la filayaa inuu magaalada Muqdisho kaga dhawaaqo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Gudoomiye Tarsan oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu afka dheer ayaa horay u furtay Xisbi siyaasadeed la magac baxay Xisbiga Cadaalada iyo Bulshada, kadib markii laga qaaday xilkii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.

Abaabulka Xaflada uu musharaxnimada ugaga dhawaaqayo ayaa ka socota mid ka mid ah Hotelada Muqdisho, waxaana ka qeyb galaya siyaasiyiin, odayaal, waxgarad, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Tarsan ayaa ku soo biiraya musharaxiin dhowr ah oo horay uga dhawaaqday ololahooda musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016ka.

Dad kale ayaa ololahooda musharaxnimo hora ugu dhawaaqay sida: C/naasir Cabdulle Maxamed oo ka yimid dalka Mareykanka, C/raxmaan C/shakuur Warsame oo horay Wasiir u soo noqday, kana mid ahaa musharaxiintii 2012 ee aaqirkii markii doorashada bilaabatay is casilay iyo xubno kale oo la hadal haayo musharaxnimadooda, balse aanay wali ku dhawaaqin oo la sugayo.

Madaxweynaha xilligan Xasan Sheekh maxamuud ayaa horay u shaaciyay inuu musharax yahay, isla markaana uu doonayo inuu mar kale xilka qabto.

Si kastaba ha ahaatee dhamaadka bisha October ayaa la filayaa inay dalka ka dhacdo doorashada Madaxweynaha, iyadoo la saadaalinayo in musharaxiinta u tartameysa xilkaas ay gaari doonaan illaa labaatameeyo ama ka badan.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment