4104 Views

Madaxweynaha oo Nairobi kaga qeybgalaya Shirka Iskaashiga Afrika iyo Japan (TICAD)

Madaxweynaha oo Nairobi kaga qeybgalaya Shirka Iskaashiga Afrika iyo Japan (TICAD)
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 26, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo uu kaga qeybgalayo Shir Madaxeedka 6-aad ee waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation with Africa Development).

Dowladda Japan ayaa shirkii ugu horeeyay ee TICAD waxay ku qabatey magaalada Tokyo, sannadkii 1993-kii, waxaana ujeeddadiisu ay ahayd kobcinta horumarka Afrika, nabadda iyo amniga, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga labada dhinac.

Shirkan, ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.

Soomaaliya ayaa horey uga qeybgashey shirkii TICAD ee 2013-kii, waxaana sannadkan la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeeshaan madaxda Japan iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ka socda, balse ma aysan dhicin.

Markaan ayaa ugu horreeyso in shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay is weydaarsadaan dalalka Afrika iyo Japan.

 Japan ayaa ka mid ah dalalka iskaashiga dhow la leh qaaradda Afrika, waxaana uu dhowaanahan xoojiyey xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya qaaradda, asaga oo ad moodo in uu la tartamayo Shinaha.

xasan-dhoof1 (1)

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment