3354 Views

Dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka oo la isku afgaran la’yahay

Dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka oo la isku afgaran la’yahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 27, 2016: Madaxda madasha Wada-tashiga Qaran ayaa la filayaa inay dhimaan tirada ergooyinka soo xuleysa xildhibaanada, iyadoo wali la isku afgaran la’yahay qarashka ku baxaya doorashooyinka soo socda.

Kulamo xiriir ahaa oo Madaxda dowladda iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Hey’adaha deeq bixiyeyaasha ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ka dhacaya wadanka.

Arrimaha la isku haayo ayaa waxaa ka mid ah qaabka loo maamulayo dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka, iyadoo xubnaha Beesha Caalamka ay dalbanayaan in la cadeeyo dhaqaalaha ku baxaya hanaanka doorashooyinka dadban.

Sidoo kale waxaa ay dood ka taan tahay xareynta ergada 14025 iyo dhaqaalaha ku baxaya, waxaa la isku hayaa cida bixineysa dhaqaalaha intaas la eg ee ku baxeysa xareynta ergooyinka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmo ka hor la kulma Madaxa UNDP Helen Clark oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo dhaqaalaha ku baxaya nta uu la egyahay.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Keatin ayaa sidoo kale la kulmay Madaxda dowladda iyo Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal, kuwaasoo uu kala hadlay qorshayaasha doorashooyinka iyo dhaqaalaha ku baxaya.

Warar ayaa sheegayaa in Caga-jiidka Beesha Caalamka ee dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka, ayaa laga yaabaa inay keento in wax badan laga bedelo go’aanadii horay loo gaaray, waxaana ay u badan tahay in la dhimo tirada ergada soo xuleysa Xildhibaanada.

Shirkii Madasha ee ugu dambeeyay ayay xubnaha Beesha Caalamka ku soo bandhigeen in maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka ay bixiyaan qeyb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka, taasoo ay diideen xubnaha dowlad goboleedyada.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment