4023 Views

Galmudug Oo Ka Jawaabtay Warki Puntland

Galmudug Oo Ka Jawaabtay Warki Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 27, 2016: Maamulka Galmudug ayaa si kulul uga hadlay,go’aan dhawaan ka soo baxay Maamulka Puntland,kaas oo ahaa in Gaadiidka ka baxa Koofurta Soomaaliya aysan gali karin dhinaca maamulka Puntland islamarkaana Gaalkacyo ay ku egyihiin,halkaas oo wixii xamuul ah ee ay wadaan ku wareejinayaan Gaadiid dhanka Puntland laga leeyahay.

Wasiirka Dastuurka Maamulka Galmudug oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa hadalkaasi ka jawaabay, isaga oo sheegay amarka ka soo baxay Puntland inuu yahay mid caqabad ku noqonaya Ganacsiga dadka Somaliyed.

Wasiirka Dastuurka Maamulka Galmudug, Cismaan Maxamed Caliayaa isweydiiyay cida Puntland u sheegtay gaadiidka qaraxyada inay ka yimaadaan kaliya Koonfurta Somaliya, waxaase uu sheegay ficilada Puntland ay qaadayaan inay noqon karaan kuwa ka sii dara ammaanka deeganadooda.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay Puntland inuu ugu baaqaayo inay ka fiirsadaan go’aanada ay qaadanayaan ee ku aadan suggida ammaanka.

“Waxaan Puntland u soo jeedinayaa in Puntland ay ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadayaan waxaan u soo jeedinayaa inay fahmaan cawaaqibka ka dhalan kara, Annaga mar walba haddaan Galmudug nahay in ganacsiga Soomaalida uu xor ahaado waa mabda’ayagu.” ayuu yiri mar kale wasiirka dastuurka Galmudug.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment