3384 Views

Kulan looga hadlayay horumarinta Isboortiga oo lagu qabtay Baydhabo

Kulan looga hadlayay horumarinta Isboortiga oo lagu qabtay Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 27, 2016: Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa ka qeybgaley kulan bahada Isboortiga Gobolka Baay ay ku dooranayeen Guddi heer degmo ah, isla markaana ay uga tashanayeen ayaahaha Isboortiga Gobolkaas.

Shirkaan oo ay isugu yimaadeen Guddiga Isboortiga Gobolka Baay iyo dhammaan cayaartooyda Kooxaha kala duwan ee magaalada Baydhabo ayaa ugu horeen waxaa la isku xog dhaafsadey sababta keentay guuldaradii Koonfurgalbeed ay kala soo kulantay Cayaarihii loo qabtay Maamul goboleedyada ee lagu qabtay caasimada Dalka.

Tababbarayashii iyo guddigii Hogaaminaayey cayaartooyda Koonfurgalbeed ayaa goobta lagu weydiiyey su’aalo la xariiray guuldaradii la gala soo kulmay cayaarihii ka dhacay Muqdisho,

Dood dheer  kadib waxaa la isla gartey In la doorto Guddi ka kooban 7 xubnood oo ilaa heer degmo ah, kaas oo shaqadiisu noqoneyso horumarinta Isboortiga Gobolka Baay,  kaas oo si gacantaag ah lagu doortay.

Guddoomiyaha Isboortiga Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Xiraw  iyo Guddoomiyaha Guddiga Heer degmo ee maanta la doortay ayaa labaduba waxa ay sheegeen la gaarey hadafkii loo qabtay kulanka, iyagoo si wada jir ah u balan qaaday inay gacan ka geysan doonaan horumarinta Isboortiga gobolka Koofur Galbeed.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment