3963 Views

Gaafoow oo shaaciyay sababta fududaysay in la weeraro Hoteelada Liido

Gaafoow oo shaaciyay sababta fududaysay in la weeraro Hoteelada Liido
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 28, 2016: Jen. Gaafow,Taliyaha cusub ee ciidanka abada Sugida Somalia ayaa waxa uu ka hadlay sababta keentay in si toos ah loo weeraro xarumaha ku yaal Xeebta Liido ama ku dhaw.

Gaafoow ayaa sheegay in Al-Shabaab ay u sahlan tahay in xeebta goobaha ku yaal in ay weeraraan maadaama habeenkii ay mugdi tahay badda isla markaana dadka ay ku badan yihiin.

“Waxaa u suuragelinaaya Liido meel waaye marka 1-aad, oo badda laga imaanaayo, baddana aysan ogayn wixii Shabaab ah. Habeen ayay ka fushaan, mugdi ayayna tahay badda. Waxaa loo qaadanayaa meel dadka isaga tamashla taggaan, oo dhalinyarada isugu taggaan, dadka magaalada isugu taggaan, oo aad moodeyso Somaliya inay ku soo noqotay 70-meeyadii. Maalin iyo habeen meeshu waxaa waaye meel dadka dhooban yahay. Shabaab-na umadda inay laayaan ayay rabaan, hadda wax gooni ay leeyihiin malaha.” Ayuu yiri Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida.

Tan kale Gaafoow ayaa shacabka ku eedeeyay in aysan la shaqeyn Nabad Sugida si looga hortago dhibaatooyinka kaga imaanaya Al-Shabaab.

“Dadkeenii weli uma bisla inay qofkii nabadgelyo xumo u arkaan soo sheegaan, sababta qaarkood waxay u aaminsan yihiin u haystaanba inuu ayaga la qabiil yahay, oo walaal la yahay. Ma gaarsiinayaan xitaa dadka joogga meeshaas oo ammaanka qaabilsan u sheegi maayaan, laakiin markay wax dhacaan ayay wada qaylinayaan, leeyihiin saas buu ahaa, Shabaabna haddee mabda’ooda waaye walaal maleh, qabiil maleh, cid malaha.” Ayuu yiri  Jeneral Gaafow.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment