3192 Views

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka “TICAD”

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka “TICAD”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 28, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 6-aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation on Africa Development).

“Qaaradda Afrika waxay cagta saartey waddada horumarka, kheyraadka ku jirana haddii si wanaagsan looga faa’ideysto waxaa hubaal ah in nolosha dadyowgeena ay wax badan ka beddeli karto. Soomaaliya waa dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye oo muddo dheer soo socday, haddana waxay ka mid tahay waddamada sida dhow uga faa’ideysanaya iskaashiga TICAD. Shirkan kii ka horeeyay ee Tokyo lagu qabtey 2013-kii, waxaa barbar socday kulan gaar ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayey, taasina waxay muujineysaa muhimadda ay TICAD inoo leedahay’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan waa sii fiicnaan-doonta.

“Horumarka ay Afrika hiigsaneyso waxaa daba socda caqabado amni, gaar ahaan khatarta argagixisada oo u baahan si caalami ah loo wajaho. Dalkeena Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika khatar ayay ku yihiin argagixisada, balse nasiiba wanaag waddamada deriska nala ah ayaa waxaan qaadaney mowqif mid ah oo lagula dirirarayo argagixisada. Waxaan filayaa iyo gobollada kale ee Afrika ay ku deydaan iskaashiga Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada, loogana sii gudbo heer caalami ah oo khatartaasi lagu hakiyo’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shir Madaxeedka TICAD ugu baaqey in la dardar geliyo hirgelinta suuqyada xorta ah iyo ganacsiga furfuran, si wax looga beddelo nolosha malaayiin qof oo Afrika ku nool.

Waxaa kale uu Madaxweynaha ka hadley marxalada siyaasadda ee Soomaaliya oo uu sheegay in horumarka iyo guulaha la gaarey ay daliil u tahay doorashada dhaceysa dhowaan ee waddanku ku soo dooranayo hoggaankiisa iyo goleyaashii matali lahaa.

Shir Madaxeedka TICAD oo maanta ka furmey Nairobi ayaa socon doono muddo laba maalmood ah, waxaana diiradda ay saarayaan madaxda ka qeybgaleysa kobinta maalgashiga, abuurista fursadaha ganacsiga ee dadyowga ku jira TICAD, kaabeyaasha dhaqaalaha, dalxiiska iyo adeegyada aasaasiga ee dadku u baahan yihiin.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo dalkiisa uu martigelinayo shirkan ayaa sheegay in Afrika ay haysato fursad dahabi ah oo ay caalamka kula tartami karto dhanka dhaqaalaha , haddii si wanaagsan looga faa’iideysto iskaashiga ay la leedahay dunida inteeda kale, waana in qaaradda ka fai’idaysataa.

Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shinzo Abe, oo isna furitaanka shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in iskaashiga Japan iyo Afrika uu gaarey marxalada ay labada dhinacba dareemayaan inay ku najaxeen, sidaa darteedna Japan ay si gaar ah xil iska saareyso sidii loo xajin lahaa guulahaas, iyo in la kordhiyo taageerada dhinacyada farsamada, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada aasaasiga ee Afrika si qaaraddu u yeelato khubaro hore u dhaqaajin kara horumarka la hiigsanayo.

Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay si kaltan ah uga kala dhacdo Afrika iyo Japan si Aduunka lola tartamo.

jam11jam12jam13jam14

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment