3639 Views

WAR-SAXAAFADEED – Barnaamijka Tubta Toosan

WAR-SAXAAFADEED – Barnaamijka Tubta Toosan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 27, 2016 – Wadatashi Dadweyne ee ku aadan Istraatejiyada Heer Qaran iyo Qorshe Howleedka Ka Hortaga iyo La Dagaalanka Fikirka Rabashadaha wata ee Xagjirka.

Mogadishu 27 August 2016 – Barnaamijka Tubta Toosan ayaa maanta ku dhowaaqay Wadatashi Dadweyne oo soconaya muddo labo toddobaad ah oo ku aadan nuqulka labaad ee Istraatejiyada Heer Qaran iyo Qorshe Howleedka Ka Hortaga iyo La dagaalanka Fikirka Rabshadaha wata ee Xagjirka. Tubta Toosan waxey aad u fahamsantahay muhiimada wadatashiga bulshada iyo in fursad loo siiyo inay ka qeybqaataan go’aanka arrimaha muhiimka u ah bulshada oo ay ka mid tahay Ka Hortaga iyo La dagaalanka Fikirka Xagjirka ah (CVE), si bulshada dalka gudihiisa iyo kuwa qurba joogta ay fursad ugu helaan ay fikirkooda iyo taladooda ku biiriyaan Istraatejiyada.

Hon Mustafa Duhulow, Xiriiriyaha CVE ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqad muhiimada wadatashiga bulshada waxuuna yiri “10kii bilood ee la soo dhaafay waxaan ku guuleysanay inaan bulshada qeybaheeda kala duwan gaarno, sida dumarka, dhalinyarada, madaxda Dhaqanka iyo Culumada, si aan u diyaarino Istraatejiyada Heer Qaran ee Ka hortaga iyo La dagaalanka Fikirka xagjirka. Sidaas daraadeed, si aan u sii xoojino wadahalka bulshada oo aan u gaarno qof walba waxaan ku faraxsanahay inaan idin la wadaago inaan bilownay wadatashiga Dadweynaha oo socon doona muddo 2 usbuuc ah. Waxaan rabnaa in shaqsi walba ama gudaha dalka ha joogo ama Qurbaha in uu ka qeybqaato wadatashiga, wadahadalka iyo”

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa ku booriyey dhammaan bulshada inay fursadan ka faa’iideystaan, waxuuna yiri “Barnaamijka Tubta Toosan waxuu marwalba diirada saarayey in sameynta Istraatejiyada P/CVE ay noqoto mid Soomaali leedahay oo Soomaali hoggaamineyso waana markii ugu horeysey dalka aan heysano Istraatejiyad ku timid nidaam wadatashi iyo wadahadal ah. Sidoo kale waa markii ugu horreysey taariikhda Soomaalida oo Istraatejiyad Heer Qaran ah wadatashi dadweyne loo sameeyo, tanoo fursad u ah shacabka inay ka faa’iideystaan oo fikradahooda iyo taladooda ku soo gudbiyaan mudada labada usbuuc ah, si Istraatejiyada u noqoto mid Soomaali iska leedahay.”

Hon Mustafa Duhulow ayaa sheegay in dadaalkii 10ka bilood ahaa la isku dayey in la gaaro bulshada qeybaheeda badan, hase yeeshee ay jirtey caqabado dhanka amniga iyo dhaqaale la’aan ah oo keentay in la gaari waayo shaqsi walba. Sidaas daraadeed, ayaan u go’aansanay inaan wadatashi dadweyne oo labo usbuuc ah aan sameyno si loo gaaro shaqsi walba. Mudadii aan dadaalkan wadnay waxaan sameynay guddi ka kooban wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda Federaalka, Xiriiriyeyaasha CVE ee Dowlad Goboleedyada Puntland, GalMudug, Koofur-Galbeed, iyo Gobolka Banaadir iyo bulshada rayidka ah sida dumarka, dhalinyarada, culumada, madax dhaqameedka, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha bulshada. Dadaaladaas muhiimka ah ee 10kii bilood aan soo wadnay waxaan go’aansanay inaan sii ballaarino wadatashiga bulshada si shaqsi walba loo gaaro bacdamaa Istraatejiayda P/CVE ay muhiim u tahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Doorka Culumada ayaa muhiim ah oo horseedi kara in Fikirka Xagjirka la joojiyo bacdamaa ay Diinteenu tahay mid Nabadeed. Sidaas daraadeed, Culumada waa inay waqti geliyaan Istraatejiyada si ay fikirkooda ugu daraan.

Ugu danbeyntii Mudane Duhulow ayaa ka codsaday dhammaan shacabka inay si buuxda uga qeybqaataan wadatashigan mudada labada usbuuc oo ku eg 9ka September 2016ka. Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in shaqsi walba uu xaqiisa dimoqraadiyada ah uu ka faa’iideysto oo uu si buuxda uga qeybqaado wadatashiga Istraatejiyada. Fadlan waqti geli aad ku ku akhrisato Istraatajiyada ee linkiga xaga hoose. Sidoo kale waxaan rabnaa shaqsi walba inuu sii gaarsiiyo bulsho weynta Soomaaliyeed. Waan ognahay in ururada Bulshada ee u ololeeya arrimaha Dhalinyarada, Haweenka, Xuquuqul Insaanka iyo gaar ahaan saaxiibadeena dhanka warbaahinta ay si buuxda noo taageeri karaan si aan u gaarno dhammaan bulshada gudaha iyo kuwa qurbaha jooga. Caawinaadaada dhankan ah aad baan u soo dhoweyneynaa waxaana idinka warsugeynaa inaad Istraatejiyada gaarsiisaan shaqsi walba oo Soomaaliyeed.
http://sonna.so/2016/08/26/ka-dhiibo-aragtidaada-istiraatiijiyadda-qorshaha-qaran-ee-ka-hortagga-xag-jirnimada.

.

DHAMAAD

Fadlan la soo xiriir Tubta Toosan cvesomalia@gmail.com ama mpicsom@gmail.com +252617885690

___________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment