1434 Views

Shaqaalaha ka howl gala Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo shada joojiyay.

Shaqaalaha ka howl gala Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo shada joojiyay.

Muqdisho, August 29, 2016: Qaar ka mid ah Shaqaalaha ka howl gala Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saaka shaqo joojin iyo banaan bax  ah ka sameeyay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha, iyagoo ka cabanaya shirkada Favori ee gacanta ku heysa howlaha garoonka diyaaradaha.

Shaqaalahan ayaa ka cabanaya in muddo aanay qaadan wax mushaar ah, iyadoo mudnaanta koowaad la siiyo dadka ajnabiga ee ka shaqeeya Garoonka Muqdisho.

Qaar ka mid ah shaqaalaha dibad baxa sameeyay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in lagu xadgudbo xuquuqdooda, isla markaana saacado badan shaqeeyaan.

“Waxaa ka cabaneynaa in mushaar aanan qaadan waqti dheer, mar walba mudnaanta waxaa la siiyaa dadka Ajnabiga ah, xuquuqda uu shaqaale leeyahay ma helno, waxaa shaqeynaa saacado dheer, fasax ma jiro, waxaa inoo sii dheer in qofkii soo daaha inuu ganaax la kulmayo, dhibaatooyinkan muddo ayay soo jiitamayeen”ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalihii saaka ku hor banaan baxay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kale shaqaalaha ayaa ka cawday inuu qofka heysta shahaado jaamacadeed iyo mid Dugsi sare ay yihiin kuwo isla siman oo mushaarka ay qaataan ay isku mid yihiin, waxaana ay tilmaameen in arrintan ay aheyd mid soo jiitameysay muddo dheer.

“Qofka heysta shahaado Jaamacadeed waxaa la siiyaa 3 boqol oo doolar, markii hore xuquuqda qofka sharciga u yaal ee shahaado jaamacadeed ka baxay waxaa mushaarkiisa ahaa 7 boqol, qofka dugsiga sare ka baxay waa 4 boqol, qof walba wixii la doona la siinayaa, xuquuqdeena cid ka hadleysa ma jirto”ayuu yiri mid ka mid ah dadkii dibad baxayay.

Shirkada Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ka shaqeeya Shaqaale isugu jira Soomaali iyo Ajnabi kuwaaas oo an loo simin xuquuqdooda.

banaan-bax2

banaan-bax

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

Share This Post

Post Comment