3867 Views

Qariirad ku saabsan dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la soo saaray

Qariirad ku saabsan dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la soo saaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 30, 2016: Sida na soo gaartay, urur goboleedka IGAD, ayaa lagu wadaa inuu soo bandhigo dhowaan qorshaha lagu dhisayo maamul ay ku mideysan yihiin gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Qoraal si hordhac ah ee la sheegay ayaa ku sawiran qariirada loo marayo dhismaha maamulka labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan oo muddo dheer soo jiitamayay, haddana an weli war loo bixinin.

Habka cusub ayaa ah in la dhiso maamul kumeel-gaar ah, ka hor 25-ka bisha September, iyadoo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka ay soo dooranayaan Xildhibaano, wana qorsha cusub oo ay IGAD wadato.

“Waxaa ku kulmay magaalada Muqdisho oday dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe iyo Hiiraan gaar ahaan beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo midkiiba ay ka socdeen afartan ruux 25-kii Augost, iyagoo isku raacay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe.”ayaa lagu sheegay qoraalkan.

Xafiiska fududeynta IGAD ayaa sheegay inay ku talinayaan in la sameeyo guddi sare oo wadajir ah, kaasoo fududeynaya howlaha shirka ee maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, kaas oo an la hubin in uu hirgalayo.

Guddigan ayaa lagu taliyay inuu ka koobnaado Dowlada Federalka, Urur Goboleedka IGAD,Qaramada Midoobay,AMISOM iyo wakiilo ka socda Ururada Bulshada rayidka oo wada jira.

Qariirada ee maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa waxaa ugu muhiimsan in la soo xulo  oday dhaqameedyada shirka iyo in guddi farsamo la dhiso.

Sidoo kale qariirada ayaa waxaa ka mid ah in laga hadlo awood qeybsiga iyo doorka haweenka ay ku leeyihiin maamulka iyo weliba guddi dhexdhexaadin.

Dhaqan-gelinta shirka ayaa waxaa doorka ugu weyn leh urur goboleedka IGAD halka ay hore shirka, Wasaarada arrimaha gudaha ay horboodeysay, waxna ka soo saari-weyday.

Qariiradawaxaa ku cad in la soo xulo ergo kadibna la dhiso Baarlamaanka oo dooran doono Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa muddo 8 bilood hakad ku jiray, kadib markii qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ay diideen inay ka qeyb galaan shirka, hase ahaatee go’aanadii bishan laga soo saaray shirkii Madasha ayaa lagu go’aamiyay in maamulkaas la dhiso ka hor doorashada, in kastoo ayna weli muuqanin.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment