6765 Views

Sh. Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka digay xafladaha dhalashada

Sh. Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka digay xafladaha dhalashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 30, 2016: Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa ka digay xafladaha dhalashada ee muddooyinkan ku soo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo dhalinyaro badan ay bilaabeen inay Hotelada ku dhigtaan xafladaha maalinta ku asteysan dhalashooda, taas oo ah mid an jirin.

Sheekha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhaqanka noocaas ah ee laga soo minguuriyay reer galbeedka, isagoo xusay in aanay wax raad ah ku laheyn Diinta islaamka.

“Xafladaha dadka dhiganaya ee laga soo qeyb galayo, waa munkar, waana wax aan fiicneyn, Diinta islaamka raad kuma lahan, marka uu qof dhasho waxyaabaha Diinta qabto waa in maalinta 7aad la suneeyo oo waqlal loo sameeyo, in xafladaha dhalashada la dhigto waxaa laga keenay reer galbeedka iyo meelaha gaalada joogaan”ayuu yiri Sheekh Maxamuud Cabdulle Cariif.

Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay fahmaan waxa Diinta Islaamka ka reebeyso, isagoo tilmaamay in aan loo baahneyn inay sameeyaan wax aanay aqoon u laheyn oo nabadooda dhibaaya.

“Qolo qofkii isku shabaha dhaqankooda iyo wixii ay jecel yihiin la jeclaada, iyaga ayuu ka mid yahay, waxaa ka digayaa arrintaas, in la iska ilaaliyo waa dhaqan xumo, munkar ka imaanaya, waana wax aan shareecada Islaamka qabin”ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif.

Baraha Bulshada ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay la soo dhigayay sawiro muujinayay xaflado dhalasho oo ay ka dhex muuqdaan dhalinyaro iyo wariyeyaal, waxaana dad badan arrintan uga hadleen siyaabo kala duwan, maadaama aanay horay u jiri jirin xaflado dhalasho, balse dadka qaar ayaa ku tilmaamaya mid is tus tus ah oo ay ku soo bandhigayaan Sawirro kaliya bartooda Facebook, waxaana qaarkood yihiin kuwo aanay xitaa ogeyn maalinta ay dhasheen iyo sida ay ku yimaadee Aduunka.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment