4065 Views

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii xooganaa ee Hotel SYL oo lagu sheegay 26 ruux

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii xooganaa ee Hotel SYL oo lagu sheegay 26 ruux
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 30, 2016: Warar an helay dhaqaatiirta Caafimaadka ayaa sheegaya in illaa 26 ruux ay ku dhinteen qaraxii weynaa ee maanta gil gilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada “VILLA SOMALIA”

Qaraxan oo loo adeegsadaybaabur ah kuwa xamuulka qaada, ayaa xoog ku soo jiiray bar koontaroolo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka, waxaana ciidamada ay sidii u rasaaseynayeen uu gaarigii ku qarxay darbiga Hotelka SYL.

Tirada dadka ku dhaawacantay ayaa gaaraya 70 ruux oo isugu jira dad rayid iyo askar ka mid aheyd ilaalada hotelka iyo kuwa Madaxtooyada intaba.

Wararka qaar ayaa sheegaya in 15 ka mid ah dadka ku dhintay ay ahaayeen ilaalada mas’uuliyiinta ku jiray Hotelka, xilliga qaraxa dhacayay, ilaalada Hotelka iyo ilaalada ilinka hore ee Madaxtooyada Soomaliya.

Agaasimaha Isbitaalka Madina Dr. Maxamed Yuusuf ayaa sheegay labo ruux oo ka mid ahaa dhaawacyadii la keenay Isbitaalka ay geeriyoodeen, halka labaatan kale oo dhaawacyo ah la jiifiyay isla Isbitaalka Madina.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano ayaa dhaawacmay, sidoo kale waxaa dhaawacmay Wariyeyaal ka tirsan Radio Muqdisho iyo SNTV

Wasiirada dhaawacyada fudud soo gaaray waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda Nuur Faarax, Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga maxamed Cali Xagaa, Xildhibaanada dhaawacyada soo gaaray waxaa ka mid ah Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Cabdalla Boos,  Xildhibaan Caasho Koos, Xildhibaan Sugaal, Xildhibaan Seynab Maxamed Caamir.

Halkan hoose ka akhriso Magacyada Wariyeyaasha dhaawacmay

  1. Agaasimaha Idaacadda Gobolka C/fataax Arizona
  2. Wariye Maxamed Abuukar Mada = (Warbaahinta Dowladda)
  3. Wariye Cabdi Aadan                  =   (Warbaahinta Dowladda
  4. Wariye Mamaxed Xasan National = (Warbaahinta Dowladda)
  5. Wariye Maxamuud Cali Xaaji (Saxafi yare)  = (Goobjoog)

14142039_1754634708139183_8496869027169534849_n

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment