14460 Views

CABASHO BEESHA SARUUR

____________________________________________________________________________

 

KU:   Wasiirka Arimaha Gudaha & federaalka                                             

OG:   Madaxwaynaha Jamhuuriyada Fedaraalka Soomaaliya

OG:   Raisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya

OG:   Guddiga  Doorashooyinka   Qaranka

OG:   Guddiga  Xalinta  Khilafaadka

 

 Muqdisho | QOL | 18 08 2016 |

Mudane Wasiir, sida lawada og-yahay beesha saruur waxa ay ka kooban tahay afar Jufo oo siman kuwaas oo wax kasta oo beesha dhex yimaad u qeybsada si isla’eg islamarkaasna aysan jirin Jufo-Jufo kale ku tiirsan.

Mudane Wasiir, dhaqanka beesha saruur waxay  habacsanaani uga timid fowdadii iyo isbar-baryaacii ee soodaashaday bulshada Soomaaliyeed, hase yeeshee kadib markii la’arkay baahida loo qabo guddi dhaqan oo ay beeshu yeelato ayaa Wasiir Xirsi iyo Xildhibaanada beeshu waxay soo jeediyeen in ladhiso guddi dhaqan oo ay beeshu yeelato.

Markaa, beesha Saruur iyadoo tix-gelinaysa soo jeedinta wasiirkooda iyo xildhibaanadooda ayey waxay ku dhaqaaqeen inay dhisaan guddi dhaqan kaasoo ka kooban 21 xubnood oo matalaad buuxda ka haysta dhammaan jufooyinka hoose ee beesha uuna guddoomiye u yahay Mudane Cabdulqaadir Mire Muxumud.

Mudane Wasiir, guddigaan isaga ah waxaa la dhisay 4/04/2015, waqtiga dhismaha guddigan wuxuu kusoo aaday xilligii loo diyaar garoobayay Shirkii lagu dhisayay Maamulka Gal-Mudug, haddaba ayadoo ay sidaas tahay waxaa nasiib-darro ah in wasiir Xirsi oo isagu ku taliyay soona jeediyay in ay lagama maarmaan tahay in beesha saruur yeelato guddi dhaqan uu ku sameeyo is-hortaag isla guddigii taladiisa lagu dhisay, islamarkaasna uu ka hor-istaagay inay ka qeybgalaan Shirkii Cadaado si ay howlahooda dhaqan u qaybsadaan isagoo ku badalay shaqsi ay  jufo hoosaad is ku yihiin si uu danihiisa gaarka ah u fushado.

Mudane Wasiir, haddeerna wuxuu rabaa inuu isla shaqsigii u isticmaalo doorashada 2016-ka dhicidoonta si uu u gaaro danihiisa gaarka ah, shaqsigaa isaga ahna majirto cid lagala tashaday iyo cid dooratay toona, sidaas darteed uma aqoonsanin inuu yahay masuulka laysku raacsanyahay ee beeshu u igmatay howlaha soo xulidda, gudbinta iyo saxiixa.

Mudane wasiir, waxaa kale oo aan ka cabanaynaa shaqsiga la sheegay inuu beesha u matalayo guddiga Xalinta Khilaafaadka, kaas oo ay isku jufo hoosaad yihiin Wasiir Xirsi, iyo ninka laga dhigay Suldaan beenaadka, taasina waxey meel ka dhac iyo cadaalad darro ku tahay habka wax qeybsiga beesha.

Geba-gebadii

Hadaba Mudane wasiir, Waxaan caddaynaynaa in max’ed sheikh Axmed uusan ahayn ina suldaan, isaguna uusan ahayn suldaan ay beeshu dooratay, dadka cabashadaan soo gudbinayana waxay ka kooban yihiin dhammaan qaybaha bulshada sida, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, odoyaasha dhaqanka iyo culuma’udiinka waxaana kamid ah.

  1. Nabadoon C/qadir mire muxumud —————————————–
  2. Cali mahadale Imaan———————————————
  3. Faarax Cabdulle baraale —————————————–
  4. Macallin nuur Cabdulle Baraale ———————————-
  5. Nuur Muxumud Cusmaan —————————————-
  6. Max’ed cali iidle —————————————————
  7. Max’ed Jimcaale max’ed ——————————————
  8. Max’ud Xuseen max’ed ——————————————-
  9. Cali daahir Yuusuf Warsame ————————————–
  10. Saciid xasan Jalafey ———————————————–
  11. Max’ed macalin cabdi ———————————————-
  12. Xaaji jaamac cabdi max’ed —————————————-
  13. Max’ud cali xayle ————————————————-
  14. Abuukar cumar faarax ——————————————–
  15. Warsame Max’ed moooge —————————————-
  16. Cilmi Cibaar cabdi ————————————————-
  17. Cabdi Cumar Jimcaale ——————————————–
  18. Cumar max’ud Max’ed ——————————————–
  19. Max’ed Cabdi Faarax ———————————————
  20. Max’ed Xersi Cabdi ———————————————–
  21. Cabdi Max’ed Jimcaale ——————————————-
  22. Cabdi Max’ed Kooshin ——————————————–
  23. Cali Kulane dhuxulow ——————————————–
  24. C/raxman C/lahi Muxumed ————————————–
  25. Warsame Muxumed Cilmi —————————————-
  26. Xersi Goobdoon Sheekhow —————————————
  27. Max’ed Macallin Yusuf ——————————————-
  28. Max’ud Goobdoon shiikhow —————————————
  29. Daahir Cabdulle Max’ed ——————————————–
  30. Salaad Xuseen warsame ——————————————-

 

Wabilahi Towfiiq

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment