6324 Views

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ka mid noqday kuwa ugu mashquulsan Bariga Afrika

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ka mid noqday kuwa ugu mashquulsan Bariga Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 31, 2016: Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid noqonaya garoomada diyaaradaha ugu mashquulka badan Bariga Afrika, iyadoo uu ka soo kabanayo bur burkii ku dhacay

Garoonka Aadan Cadde, ayaa ka mid ahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee ku bur buray dagaaladii sokeeye, garoonka ayaa xirnaa muddo 17-sano ah, iyadoo dib loo furay sanadkii 2006-dii markii Midowgii maxkamadaha islaamka ay la wareegeen Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, xilligaasoo ay ka saareen Hoggaamiye kooxeedyadii.

Dad fara badan, ayaa aaminsan in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu sameynayo horumar ballaaran oo la mid ah garoomada caalamiga ah, iyadoo sanadkii hore la dhisay Terminal cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka diyaaradaha.

Garoonkaan, ayaa maalintii waxaa ka soo dega illaa 40 diyaaradoo oo isugu jira duulimaadyo gudaha dalka iyo kuwa caalamka.

Maalmaha Jimcaha, Axada Talaadada iyo Arbacada ayaa ah maalmaha ugu mashquulka badan, iyadoo maalmahaas garoonka daqiiqad daqiiqad ay u soo dagaan diyaarado kala duwan oo ka kala yimid meela kala duwan.

Jimcaha oo kale ayaa waxaa garoonka soo dega illaa labo kun oo qof, halka kun qof kale ay ka soo dhoofaan, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha garoonka diyaaradaha.

diyaarado

diyarado2

diyarado6

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment