3657 Views

TACSI : Cali Maxamuud Ibraahim (Cali Dheere).

____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 31, 2016 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer, Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali , Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Cali Maxamuud Ibraahim (Cali Dheere) Gudoomiyihii Guddiga Rayidka ee Shaqaallaha Dowladda oo ku geeriyooday maanta oo Arbaco ah, kuna beegan August 31, 2016 Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Marxuum Cali Maxamuud Ibraahim (Cali Dheere), waxa uu ahaa mas’uul muddo dheer u adeegay dalkiisa iyo dadkiisa, muujiyay howlkarnimo iyo daacadnimo, isaga oo shaqooyin iyo xilal kala duwan soo qabtay , waxa uu isku duway , nidaamiyay habka shaqo iyo shaqaaleynta , isaga oo kaashanayay saraakiisha kale ee ka tirsan Guddiga Rayidka ee Shaqaallaha Dowladda.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

.

.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

.

.

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment