4287 Views

Ugaas beesha Xawaadle oo laga waayay liiska Odayaasha

Ugaas beesha Xawaadle oo laga waayay liiska Odayaasha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 31, 2016: Warar na soo gaaray ayaa sheegaya in Xisbiyada siyaasadda iyo musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ay codkooda ku biiriyey qulqulatooyinka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Hiiraan iyo Xamar, waxayna ka hadleen xubintii cusbeyd ee lagu daray odayaasha dhaqanka, taas oo ay diidanyihiin.

War qoraal ah oo kasoo baxay ayay ku sheegeen in halkii liiska odayaasha lagu dari lahaa nabadoon uu siyaasi wato, in ay ka mudantahay in lagu daro ugaaska ay beel dhan dooratay ee ah Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo an liiska ku jirin.

Waxaa dhawaan soo shaac baxday warqad uu saxiixay guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari oo lagu soo jeediyey in xubin cusub lagu kordhiyo odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada, taasina waxay dhalisey buuq siyaasadeed oo ka taagan goobaha siyaasadda.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment