4002 Views

C/qaadir Muumin oo lagu daray liiska Argagixisada

C/qaadir Muumin oo lagu daray liiska Argagixisada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 1, 2016: Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka,ayaa Liiska argagixisada ee gaarka ah, ku dartay Wadaadka lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Muumin oo dhowaan ku biiray Ururka Daacish.

Amarka Madaxweyne Obama ee tirsigiisu yahay 13224 ayaa dhigaya cunqabateyn lagu soo rogi karo shaqsiyaadka iyo kooxaha la go’aamiyay inay halis ku yihiin Mareykanka.

Muumin ayaa madax u ah Koox dagaalyahano Soomaali ah oo bishii October ee sanadkii 2015 ku dhawaaqay inay ku biireen Daacish, kadib markii ay ka baxeen Al-Shabaab.

C/qaadir Muumin waxaa uu horay u ahaa unugh ka mid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanada Puntland, waxaana uu ahaa Daaci jeediya khudbadaha lagu soo jiidanayo dhalinyarada, isagoo cambaareyn jiray nidaamka Puntland iyo Maamulkeeda.

C/qaadir Muumin ayaa lagu eedeeyay inuu ballaariyay unugiisa argagixiso isaga oo afduubtay wiilal da’yar oo da’dooda u dhaxeysa 10-15 sano jir, kuna qasbay inay ciidamo noqdaan.

Mareykanka ayaa horay liiska argagixisada ugu daray xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo madaxooda uu dul saaray lacag mallaayiin dollar ah.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment