3372 Views

Madaxweynaha oo tacsiyeeyey geeridii Marxuum Cali Maxamuud Ibraahim ‘Cali Dheere’.

Madaxweynaha oo tacsiyeeyey geeridii Marxuum Cali Maxamuud Ibraahim ‘Cali Dheere’.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31, Aug 2016 (Villa Somalia) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Guddoomiyahii Guddiga Shaqalaha Rayidka ee Dowladda Soomaaliya Marxuum Cali Maxamuud Ibraahim (Cali Dheere) oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ku geeriyooday Allaha u naxariistee Guddoomiyahii Guddiga Shaqalaha Rayidka ee Dowladda Soomaaliya Marxuum Cali Maxamuud Ibraahim (Cali Dheere).

“Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun, Allaah waxaan uga baryayaa inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo Maxruum Cali Maxmuud Ibraahim , qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Cali Maxamuud Ibraahim uu qeyb xoog leh ka soo qaatay dib u dhiska iyo horumarka hey’adaha dowladda gaar ahaan nidaaminta iyo horumarinta shaqada iyo shaqaalaha rayidka islamarkaana muddo dheer u soo shaqeynayey umadda Soomaaliyeed.

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment