4749 Views

Tarsan ”Hadaan Madaxweyne noqdo, Gabre wadankan ma soo galayo”

Tarsan ”Hadaan Madaxweyne noqdo, Gabre wadankan ma soo galayo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 2, 2016: Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, musharaxa xilka Madaxweynaha, ayaa sheegay in dowladda ku fashilantay maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelle, isagoo ugu baaqay shacabka labada gobol in aysan ogolaan inay shir la isugu yeero.

Tarsan oo ka hadlayay kulan shalay ka dhacay Muqdisho oo ay isugu yimaadeen, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo Musharaxiin ayaa looga soo horjeestay qaabka dowladda u wajaheyso maamul u sameynta labada Gobol Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Musharax Tarsan ayaa sheegay in dowladdu ay u gacan gelisay maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe Gen. Gabre, isagoo ugu baaqay shacabka in aysan taas ogolaanin oo ay diidaan.

“Reer Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ha ogolaanina in Garbe maamul idin dhiso, dowladdiina wey idin quursatay, wey idin tixgelin weyday, ha u shirina Gabre iyo wax la socda”ayuu si kulul u yiri Maxamuud Axmed Tarsan.

Tarsan ayaa sheegay in hadii uu dalka Madaxweyne ka noqdo aanu wadanka soo geli doonin Gen. Gabre, isagoo ku tilmaamay dambiile laga yaqaan Soomaaliya.

“Hadaan madaxweyne noqdo maalintaas ayaa ugu dambeysa, Gabre wadankan ma soo galayo, waxaa loo jarayaa (Persona Non Grada), dambiile ayaa dalkan ka tahay, dadka aad leysay waxaa ku jira walaalkey da’da iga weyn oo bilaa micna ah u dishay, hadey Madaxweynenimadeyda ku xiran tahay adiga iyo dowladaada Allow waligey ha iga dhigin, karaamada yaan iska qaadin, sharafka aan soo ceshano”ayuu si kulul u yiri Guddoomiye Tarsan.

Tarsan oo ah nin hadalo kulul ayaa ka mid ahaa dadkii horay uga soo hor-jeestay soo gelitaan Soomaaliya ee Ciidamada Itoobiya sanadkii 2006-dii, xilligaasoo ay xukunka ka tuureen Maxaakimtii islaamiga oo shacbiga aad u taageersanaa.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment