4374 Views

“Ugaas Xasan, waa ugaaskeyga, tixigelin ayaa u heynaa, waana aqoonsanahay”

“Ugaas Xasan, waa ugaaskeyga, tixigelin ayaa u heynaa, waana aqoonsanahay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 2, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay ka qeyb galay Barnaamijka Dood Wadaag oo si toos ah uga baxayay Telefishinka Universal ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen dadkii ka qeyb galayay oo isugu jiray Culumaa’udiin, Haween, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Federalka ah.

Madaxweynaha ayaa su’aalaha la weydiiyay ay isugu jireen arrimaha Amniga, marxalada siyaasadeed ee kala guurka uu dalka galay iyo arrimo kale oo doorashada quseeya.

Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya, oo wax laga weydiiyay arrinta Amniga ayaa waxaa uu ka codsaday shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hor-tago weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab taas oo dan u ah Waddanka oo dhan.

“Shacabka waxaa ka codsaneynaa inay ciidamada amniga la shaqeeyana oo ay tilmaamaan cadawga marka uu soo socdo, cadawga marka uu dhib geysanayo cirka kama soo dhicin, dhulkana kama soo dhalan, guri ayuu ka soo baxaa, maalin dhoweyd gaarigii qarxayay ee dhulka aad aragtaan dumiyay iyo guryo badan dumiyay,waxaa ogtihiin inuu magaalada gudaheed ka yimid, ciidamada amniga marka ay 10 baabuur sideed ka mid ah ay fashiliyaan labada fakata waaye wax dhibka noo geysanayo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo su’aal laga weydiiyay xaalada kala guurka siyaasadeed ee uu dalka marayo iyo in dowladdiisa ay qorsheyneyso sidii xubnaha la soo xulayo ay lug ugu yeelan laheyd ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas iyo wixi la mid ah.

“Dowladda wax door ah kuma lahan nidaamka doorashada dalka ka dhaceyso, Madaxweynaha fara gelin kuma lahan doorashada ka dhaceysa Kismaayo, Baydhabo, Cadaado, Garowe iyo Muqdisho, wixii nidaam lagu heshiiyay ayaa meelahaas ka dhacaya”ayuu yiri Madaxweynaha.

Mar la weydiiyay inay doonayaan muddo kororsi ayuu sheegay in aanay dooneyn in hal maalin waqtiga loogu daro wixii ka dambeeya 30-ka October, isagoo tilmaamay in horay ay u diideen muddo kororsi 2 sano ah oo loo soo jeediyay muddo ka hor.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qiray inay qaladaad ka jiraan Odayaasha dhaqanka ee 135-ta oday, isagoo xusay inay mar isku dayeen inay saxaan, hase ahaatee ay sixi waayeen sida uu yiri.

“Arrinta 135-ta oday inaan saxna isku daynay oo aan bedelno, waa sixi weynay, wixii qaladaad ka bixi markaan dhahno wax walba qalad ayay noqdeen, 50 iyo dhowr ayay noqotay in la bedelo, waxaa diideynay in tusbax go’ay oo kale noqdaan, maadaama dowladdan hada jirta loogu soo caana maalay, si aanay waqti kale u qaadanay ayaa qaadanay labo daran mid dooro, mida dambe ayaa dooranay”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa wax laga weydiiyay arrinta Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo sababta loogu dari waayay odayaasha 135-ta oday, isagoo xusay in Ugaaska uu aqoonsan yahay, tixgelin u haayo.

“Ugaas Xasan waa ugaaskeyga, tixgelin ayaa u heynaa, waana aqoonsanahay, inta aan Ugaaska loo caleema saarin ayaa dhowr jeer kulanay wixii tabasho waa ka hadalnay, arrinta odayaasha isaga inta uu ii yimid ha leygu daro ima dhihin qof hebel oo booskeyga ku jirana ha laga saaro, mida odayaasha 135-ta oday horay u sheegnay inaan saxno oo aan wax ka bedelno rabnay, waxaa is tusnay in hadii wax laga bedelo ay waqti qaadaneyso iyo dib u heshiisiin, labo sano oo soo socoto inay waqti nooga qaataa diideynay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale mar uu ka jawaabayay su’aal la xiriirtay arrinta Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayuu sheegay in dhowaan la dhisi doono maamulka labadaas gobol, waxaa uu sheegay in inta uu xilka Madaxweynenimada hayay safarkiisa ugu badan uu ugu tagay Gobolka Hiiraan, taasna ay aheyd in wixii tabasho ee jira la saxo.

“Arrinta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, aniga inta aan Kursiga ku fadhiyay meesha ugu badan aan tago Hiiraan ayay aheyd, aniga kaligey ma tagin, dowladda oo dhan dhowr jeer ayay ku noq-noqotay, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiro, tan maamulkana dhowaan ayaa la sameynayaa, si xildhibaanada la soo dooranayo marka la dhiso halkaas looga soo doorto, mida ah labada Gobol, dalkaan 18 gobol ayuu ahaa, waa dhamaatay waqtigii inta gobol lagu dar daro, hadii labada gobol maamul sameystaan, inta ay donaan Gobol ha sameystaan, sida Puntland oo kale waa Labo Gobol iyo Bar, maantana sagaal gobol ayay leeyihiin”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha, ayaa ugu dambaysti, ka codsaday shacabka in aysan hal qof kaliya dowladda dhan u ijaafeyn oo aanay ku tilmaamin in dowladda dhan ay fashilantay, balse ay jiraan shaqsiyaad fashilmay, loona baahan yahay in shaqsiyaadka dowladda ka jira keligood loo nisbeeyay wixii fashil arkaan dadweynaha, balse aanay dowladda oo dhan dusha u saarin ee la eega halka fashilkaas ka yimid.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment