5346 Views

Qorshihii ay wada wateen Somaliland iyo Imaaraadka ee Dakada Berbera oo fashilmay.

Qorshihii ay wada wateen Somaliland iyo Imaaraadka ee Dakada Berbera oo fashilmay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 3, 2016: Wararka an ka helnay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraatka Carabta ayaa sheegaya in uu fashil ku soo dhamaaday heshiis Maamulka Somaliland uu la galay Sharikadda Dubai Ports ee Dalka Imaaraatka taas oo dib u dhis iyo casriyey ku sameyn lahayd  Dekadda Magaalada Berbera kulana heshiisay Maamulka Somaliland.

Is afgaradka labada dhinac ayaa horay u dhacay waxaana meel mariyay Golaha Wasiirrada iyo Wakiillada Maamulka Somaliland oo isku raacay.

Tuhunno iyo xasaasiyad badan ayaa ka taagneeyd is afgaradkaas oo sheegayay in 35%Dakhliga Dekadda ay qaadato Somaliland halka 65% ay leedahay Sharikadda Imaataariga ah ee DPWorld.

Fashilkan ayaa yimid ka dib markii Wafdi ka socda Somaliland ay Dubai u tageen dhameystirka is afgaradka loona beddelo heshiis dhameystiran,waxaana ka hor yimid caqabado ay ka mid yihiin Qof ay Sharikaddu ka dalbatay in uu ku jiro Wafddiga kana tirsanaa maamulka Siilaanyo laakiin shaqada laga fariisiyay,kaas oo lagu magacaabo Cali xoor-xoor.

Mas’uuliyiinta Sharikadda ayaa soo jeediyay in heshiiska ay galayaan kadib doorashad Somaliland ee bisha saddexaad ee Sanadka soo socda, lana galayaan Xukuumadda cusub ee ay yeelaneyso Somaliland maaddaama xukuumadda hadda jirta uu waqtigeeda dhamaaday.

Wafddigi ka socday Somaliland oo ay hoggaamineysay Wasiiradda Maaliyadda Zamzam Cabdi Aadan,ayaa la filayaa in ay maanta dib ugu soo laabtaan Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland, ayaga oo an wax horumar ka keenin Dubai.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment