3276 Views

“Ugaas Xasan wuxuu na weydiistay, in Hiiraan la kala jaro, IGAD-na awood uma lahan”

“Ugaas Xasan wuxuu na weydiistay, in Hiiraan la kala jaro, IGAD-na awood uma lahan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 3, 2016: Danjire Maxamed Cabdi Afey,wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ka hadlay howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo sheegay in shacabka labada gobol ay wax raalli isaga yihiin ay sameysanayaan, isla markaana aysan jirin cid lagu qasbayo in shirka Jowhar tagaan, hadii aysan ayga rabin.

Afey oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in muddo labo bilood ay ku jireen arrinta maamulka labada gobol, kadib markii uu hakad galay, iyadoo dowladda Federaalka ka codsaday fududeynta shirka, taas oo dadka qaar u arkaan in IGAD aysan shaqa ku lahayn arrinta hoose ee Soomaaliya.

“Shirk Jowhar ma than mid IGAD ay wadato oo dan gooni ah ka leedahay, shacabka ku cool labada gobo ayuu dan u yahoo inay sameystaan maamul mideysan, anaga ka IGAD waxaa ka caawineynaa fududeynta shirka iyo sidii labada gobol maamul ay raalli ku yihiin u sameysan lahaayeen”ayuu yiri Danjire Afey.

Mudane Afey ayaa sheegay in muddo saddex jeer uu tagay Beledweyn sidii loo dhameyn lahaa arrimaha tabashada ay qabaan odayaasha reer Hiiraan ee uu hoggaaminayay Ugaas Xasan, isagoo xusay inuu aaminsan yahay in wax kasta wada hadal lagu dhameyn karo, ayada oo an la is xog-xogan.

“Odayaasha uu hoggaaminayay Ugaas Xasan waxay na weydiisteen in Hiiraan labo gobol laga dhigay, arrintaasna dastuuriyan wax IGAD shaqo kuma lahan, awoodna uma lahan, wax kasta oo Soomaali ku heshiin karto waa wada hadal, odayaasha waxaa ugu baaqnay inay wada hadalka ku soo biiraan”ayuu yiri Wakiilka IGAD ee Soomaaliya.

Danjire Afey ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee reer Hiiraan in aysan caqabad ku noqon wada hadalka labada shacab, isagoo tilmaamay in hadii ay diidaan aysan jirin cid qasbi karta sida uu yiri.

Odayaasha uu hoggaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ee ku sugan Beledweyn ayaa dhowr jeer oo hore diiday ka qeyb galka shirka Jowhar, waxaana ay sheegeen in aanu socon doonin wax kasta oo ka soo baxa shirka Jowhar ee dib loo furayo ee ay tahay qati dhamays.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment