3600 Views

“Bangiga Dhexe waxa ka dhacay musuq maasuq ma ahan, ee waa Xatooyo”

“Bangiga Dhexe waxa ka dhacay musuq maasuq ma ahan, ee waa Xatooyo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 4, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa markii u horeysay ka hadlay lacagtii laga xaday Bangiga Dhexe, isagoo caddeeyay inay jiraan dad Mas’uuliyiin loo xiray oo Hey’adaha Amniga su’aalo weydiinayaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrinta ka dhacday Bangiga Dhexe aanay aheyn musuq maasuq, balse ay tahay xatooyo dambi ah oo ay ku kaceen dad qasnada Bangiga ka shaqeynayay, kuwaas si bareer ah kala baxay lacagti meesha lagu ogaa.

“Bangiga waxa ka dhacay musuq maasuq ma ahan ee waa xatooyo, waxaa u maleynayaa musuq maasuq iyo xatooyo inay labo kala yihiin, dadka qasnada ka shaqeynayay dad ka mid ah ayaa lacagtii Bangiga ku jirtay doolar faalso ah ugu bedelay oo doolar sax ah ka qaatay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sheegay in Laamaha Amniga sida Booliska, Nabadsugida iyo Xeer Ilaalinta ay ku jiraan arrinta, isla markaana socota baaritaanka, isagoo intaa ku daray in wixii baaritaankaas ka soo kordha loo soo bandhigayo shacabka, si muuqaalka Bangiga loo wanaajiyo isla markaana la daahiriyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay dad lagu tuhunsan yahay inay xadeen lacagtaas ay baxsadeen, laguna raad-joogo, waxaana uu intaa ku daray in cadaalad la horkeeni doono lana marsiin-doono sharciga.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in lacag dhan $530,000, una dhiganta Nus-milyan dollar laga xaday Bangiga, isla markaana uu xaday mid ka mid ah qasnajiyada Bangiga, kaasoo la sheegay inuu baxsaday ee an meelna lagu sheegin.

Siyaasiyiinta ayaa ku baaqay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo lacagta laga xaday Bangiga Dhexe, iyagoo wal wal ka muujinaya sababaha xilligan ku soo beegay, maadaama bilaha soo socda ay dalka ka dhici doonaan doorashooyin oo ay suurtagal tahay in falkaas lagu mashquulo.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment